Sign in to follow this  
Deeq A.

Wejigabax diblomaasiyadeed oo madaxweynaha Soomaaliya kaga dhacay Addis ababa iyo Shirkii Midowga Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Addis Ababa, Itoobiya ayaa si foolxun u bahdishay wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya uga qeybgalaya shirka Midowga Afrika.
IMG-20240217-WA00021.jpg
Markii ay fashilmeen isku dayada dhinacyadu kudoonayeen is aragyo gaar ah oo Soomaaliya iyo Itoobiya dhexmara, ayaa wafdiga DF diideen in ay aqbalaan hab maamuuska amni sugida Itoobiyaanka, taas oo iyana kaliftay in madaxweyne Xassan ay ilaalada loo xilsaaray ee Itoobiya diidaan in kaligiis aado xarunta Midowga Africa, taas oo sababtay in hub ay iskula baxaan ilaaladu.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa xarunta AU ku yimi, baabuurka Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, oo dhinacyada soo kala dhexgalay.

Madaxweynaha ayaa ka cadeeyey Xarunta AU-da in Itoobiya ay wafdi sare u dirtay Hargeysa oo ay hadda joogaan, Soomaaliyana aysan gacmaha laaban doonin, laakiin dagaal uusan ikhyaar u aheyn hadda.

Diyaarad ay dib ugu laabanayaan wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya hogaaminaya ayaa hadda taagan garoonka Bolle, wuxuu shir jaraa’id kuqabtay xarunta Midowga Afrika, isagoo ka cadeeyey waxa dhacay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this