Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Cali Xaamud oo Sheegay in laga saaray Kulan madaxtooyada lagu qabanayey, Xoghaynta madaxweynuhuna Aflagaadeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiye Cali Xaamud oo Sheegay in laga saaray Kulan madaxtooyada lagu qabanayey, Xoghaynta madaxweynuhuna Aflagaadeeyay

Hargeysa(Qaran news)- Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cali Xaamud Jibriil ayaa sheegay in kulan madaxweynuhu la yeelanayay shirgudoonka Wakiillada loo diiday isaga, kadibna ay ka soo baxeen.

“Saaka shirgudoonka Wakiillada ayaa looga yeedhay madaxtooyada markii aanu xafiiska madaxweynaha fadhigiisii ku sugayno inaanu u galno madaxweynaha ayuu noo yimid taliyaha ciidanka madaxtooyadu kadibna wuxuu nagu yidhi ‘Fatatoon iyo Giire madaxweynaha ha u galaan Cali Xaamudna waxa nala amray inaanu saarno’ markaa waxaanu ku nidhi shirgudoon baanu wada nahay saddex ah ee aanu u wada galno ama iska wada baxno, markaa aniga iyo guddoomiye Giire waanu iska soo baxnay,” ayuu yidhi Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha wakiillada Cali Xaamud Jibriil waxa kale oo uu sheegay in ayna shir gudoonkii guurtidu ayna iyana kulankaasi tagin.

Guddoomiye Cali Xaamud wuxuu sheegay in xoghayaha madaxweynuhuna uu isaga si gaar ah u afladaadeeyay isna uu u jawabay.

Cali Xaamud wuxuu sheegay inuu ka xun yahay in isagoo ah ninka goleyaasha ugu sareeya reer Awdal uu ka xun yahay in laga saaray fadhigaas iyada oo la sheegasyo in reer Awdal wax loo qabanaayo

Waxa uu sheegay in la joojiyay wadadii isku xidhausay Jabuuti iyo Boorame arintaasna ay ka hadlayaan, horena uga shireen

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this