Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Addis Ababa kula kulmay Safiirada Carabta u jooga dalka Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1708152965109.jpg?resize=720%2C40

Madaxweynaha dowladdaFederaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa hoyga uu ka degen-yahay magaalada Addis Ababa ku qaabilay Safiirada dalalka Jaamacadda Carabta u jooga Ethiopia, waxayna ka wada hadleen arrimaha gobolka Geeska Afrika iyo caalamka intiisa kale.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku bogaadiyay ugana mahadceliyay safiirada dalalka Jaamacadda Carabta ee Ethiopia garab istaagga dhabta ah iyo taageerada ay u muujiyeen Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ku guulaysatay inay noqoto dalka kaliya ee ka socda Bariga Afrika ee u sharaxan mid ka mid ah kuraasta aan joogtada ahayn ee  Golaha Ammaanka  ee Qaramada Midoobay ee muddo xileedka 2025-2026.

Kulankan waxaa Madaxweynaha kala qayb galay qaar kamid ah xubnaha wafdigiisa oo uu ugu horeeyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo Danjiraha JFS ee dalka Ethiopia Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Soomaaliya oo Addis Ababa kula kulmay Safiirada Carabta u jooga dalka Itoobiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this