Sign in to follow this  
Deeq A.

Midawga Yurub iyo NATO oo lacagtii ugu badnayd ku bixinaya hawlaha Difaaca

Recommended Posts

Deeq A.   
01000000-0a00-0242-38b5-08dc2e6c7ee3_w40

Xoghayaha gaashaanbuurta NATO Jens Stoltenberg ayaa sheegay in sannadkani uu yahay, sannadkii ay dalalka Yurub ee xubnaha ka ah isbahaysigu, ay dhinaca difaaca la wadaago ku bixinayaan lacagtii ugu badnayd, tan iyo markii ururkaas la aasaasay.

Xoghayaha NATO ayaa sheegay in dalalka Yurub ay guud ahaan lacag gaaraysa $380 Billion oo dollar ay ku bixinayaan dhinaca difaaca.

18 dal oo ka mida 31 dal ee xubnaha ka ah isbahaysiga NATO ayaa bixinaya guud ahaan qaaraanka laga rabo inay siiyaan Isbahaysiga NATO.

Dal kasta oo xubin ka ah NATO ayaa laga rabaa inuu difaaca la wadaago ku bixiyo 2% oo ka mida wax-soosaarka gudaha ee dalkaas ama GDP.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa, ka dib markii uu bilaabmay duullaanka uu Ruushku ku qaaday Ukraine, taasoo dardargelisay hawlaha isbahaysiga NATO.

Poland iyo Maraykanka ayaa la filayaa inay noqdaan dalalka xaddiga ugu badan ka bixiya, marka la eego boqolladayda qaaraanka laga doonayo, halka dalka Luxembourg uu yahay kan bixiya lacagta ugu yar.

PUNTLAND POST

The post Midawga Yurub iyo NATO oo lacagtii ugu badnayd ku bixinaya hawlaha Difaaca appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this