Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha wasiirada oo qaaday tallaabo la xiriirta dastuurka + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
427978965_870403705126237_65514241208358

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa maanta shirkoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay Muqdisho, kaas oo uu guddoomiyey ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka. Mudane Saalax Axmed Jaamac.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan tahay dhammeystirka Dastuurka KMG ka ah oo haatan dood adag ay ka taagan tahay.

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, ayaa golaha warbixin ka siisay halka uu marayo geeddi-socodka dib-u-eegista iyo qabyo-tirka Dasuuurka, iyada oo intaas kadib uu  goluhu si mugleh ugu bogaadiyay shaqada adag ee ay soo qabteen hey’adaha dastuurka, maadaama uu haatan horyaallo Baarlamaanka oo guda galay doodaha lagu dhammeystirayo dastuurka.

Sidoo kale waxaa shirka lagu soo qaaday dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxaana warbixino laga dhegeystay wasaaradaha amniga iyo gaashaandhigga dalka, kuwaas oo faahfaahiyay  amniga guud ee dalka iyo dagaalka lagu ciribtirayo Al-Shabaab.

Labada wasaaradood ayaa soo bandhigay guulaha laga gaaray howlgalladii ugu danbeeyey ee dalka looga xoreynaayey Al-Shabaab ee ka dhacay koonfurta iyo bartamaha dalka.

Dhanka kale golaha wasiirada ayaa warbixin la xiriirta maamulka Hawada Soomaaliya iyo horumarka la gaaray ka dhageystay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, taas oo soo bandhigtay warbixin faah-faahsan oo la xiriirta howlaha duulimaadka dalka,.

Hay’adda duulista ayaa xustay in dowladda Soomaaliya ay gacanta ku hayso guud ahaan maamulka iyo maaraynta hawada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taasna ay keentay guulaha laga gaaray maamulka hawada, maadaama la celiyay dhowr diyaaradood.

Shirka golaha wasiirada oo todobaad kasta maalinta Khamiista ah la qabto ayaa diiradda lagu saaraa xaaladda siyaasadeed ee dalka, midda amniga iyo arrimaha kale ee taagan.

427893239_870403741792900_25849276609523 427893240_870403718459569_13969759643049 427903828_870403768459564_46579806577023 427939631_870403775126230_69675852534164 427949337_870403695126238_83592681345814 427972302_870403735126234_21808914990881 427978965_870403705126237_65514241208358 427993741_870403631792911_46124438330161 428147408_870403725126235_55957039695694 428254090_870403645126243_20749683620989

The post Golaha wasiirada oo qaaday tallaabo la xiriirta dastuurka + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this