Sign in to follow this  
Deeq A.

Agaasimaha Madaxtooyada Somaliland oo dawladda Somalia ku eedeeyay in ay khatar galinayso

Recommended Posts

Deeq A.   

Agaasimaha Madaxtooyada Somaliland oo dawladda Somalia ku eedeeyay in ay khatar galinayso

Hargeysa(Qaran news)-Agaasimaha Guud Madaxtooyada Somaliland, Maxamed Cali Bile, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya khatar gelineyso nolosha kumaan qof oo socdaalayaal ah.
Waxaanu yidhi.”Dawladda Soomaaliya ayaa khatar gelinaysa nolosha kumannaan qof oo socdaalayaal ah oo isaga kala goosha hawada Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo si qayrul-masuulnimo ah ugu dhawaaqayso duullimaadyada hawada.

Tallaabo degdeg ah oo ka timaad ICAO waa lama huraan si looga hortago masiibooyinka hawada ee ka dhalan kara jaahwareerka.

Waxaan aragnay sida ay ku bilaabatay cashuurtii lagu soo rogay doonyaha kalluumeysiga ee xeebaha Soomaaliya oo isku beddelay budhcad-badeed, laga soo bilaabo Badda Cas ilaa xeebaha Hindiya. Dad aan tiro lahayn ayaa badda iyo berriga Soomaaliya ku naf waayey sharci la’aan, iyadoo Jamhuuriyadda Somaliland, ay si joogto ah u ilaalinayso ammaankeeda iyo maamulka hawadeeda.

ICAO waa in ay si degdeg ah u soo faragelisaa si ay uga hortagto masuuliyiinta Soomaaliya in ay sii carqaladeeyaan isu socodka hawada oo ay sababi karaan dhibaato aan laga soo kaban karin.”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this