Sign in to follow this  
Deeq A.

200 oo ka mid ah Beeraleyda Sallaxley oo Tababar loo Furay

Recommended Posts

Deeq A.   

200 oo ka mid ah Beeraleyda Sallaxley oo Tababar loo Furay
IMG-20240214-WA0012.jpg

Hargeysa(Qaran news)-Maayer ku xigeenka Degmada Sallaxley Maxamuud Baddel Guuleed ayaa tababar u furay 200 oo xubnood oo katirsan beeraleyda Sallaxley.
Tababarka ayaa kor loogu qaadayay aqoonta xoolo dhaqato beeraleyda Sallaxley iyo qaababka kala duwan ee wax loo beerto. Taiwan technical mission oo ah khubaro dhanka beeraha ka taageerta JSL ayaa tababarka fulisay waxana soo agaasimay dalada Noolays ee ay ku bahoobeen dhaqato beeraleyda degmada Sallaxley.
Tababarkaas oo socon doona muddo 2 maalmood ah ayaa waxaa ka soo qayb galay hogaanka dalada Noolays iyo iskaashatooyinka hoos yimaadda

Maayir ku xigeenka dagmada Sallaxley Maxamuud Baddel Guuleed iyo Guddoomiyaha dalada Noolays Sadiiq Jawaan ayaa dalka Taiwan uga mahad celiyay tababarka ay ka fuliyeen degmadaasi waxaanay sheegeen inay bulshada deegaanada degmada Sallaxley u jeedsadeen dhanka wax soosaarka beeraha iyo sidii looga faa’iideysan lahaa loona gaadhi lahaa isku fillaansho.

Maayir ku xigeenka dagmada Sallaxley ayaa kasoo qayb galeyaasha tababarkaas faray inay si fiican uga faa’iideystaan mudada uu socdo aqoonta ay ka bartaana dib ugu celiyeen deeganadoodii.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this