Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Biyaha oo ku Baaqay in loo midoobo heshiiska Somaliland la Gashay Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Biyaha oo ku Baaqay in loo midoobo heshiiska Somaliland la Gashay Itoobiya

Hargeysa(Qarannews)-Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali (Koore), ayaa sheegay in cadaawad badan iyo dhibaatooyin badan oo la rabo in lagu wiiqo midnimada bulshada iyo Qarannimada Somaliland, ay ka dhasheen heshiisyadii dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Somaliland Masiirkeeda siyaasiga ah ay cid u daba fadhiisata ay tahay sharaf darro iyo aan laga run sheegayn gooni isu-taagii ay kaga noqotay midnimadii 60-kii.

Geesta kale waxa uu xusay in muwaadin kasta xil ka saaran yahay ilaalinta Qarannimada Somaliland.

Waxaanu yidhi. “Heshiiskii taariikhiga ahaa ee madaxweynaha Somaliland iyo Raysal wasaaraha Itoobiya dhawaan wada galeen, waxa uu abuuray cadaawad badan oo bulshada reer Somaliland lagu soo jahaynayo, iyo dhibaatooyin badan oo la rabo in lagu wiiqo midnimada bulshada iyo Qarannimada Somaliland.’
Qof kasta oo reer Somaliland ahi ha ogaado in maanta ay JSL u baahan tahay in gacmaha la isqabsado, xisbi kasta, urur kasta iyo cidkasta oo uu yahay.
Dastuurbaynu leenahay, goleyaal ayaynu leenahay, madaxweynayaal ayaynu dooranay, xisbiyo ayaynu leenahay, ururo ayaynu leenahay, nidaam shaqeeya oo kala danbayn leh ayaynu leenahay.
In aynu masiirkeena siyaasiga ah cid u daba fadhiisanaa waxay inagu tahay sharaf-darro iyo innaga oo aan ka run sheegin gooni u goosadkii aynu ugla noqonay isu-tagi 1960-kii.
Marka muwaadinkasta waxaan leeyahay xaq ayaa kaa saaran, haday tahay hawada, difaaca, xuduudaha wada noolaanshaha, midnimada, iyo ilaalinta Qarannimada guud”.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this