General Duke Posted May 24, 2009 Female Medicine & public health students Talaal ka bilowdey Puntland, Isbitaal la dhagaxdhigey 23 May 23, 2009 - 12:04:19 PM Ardada Iskuulka Cafimaadka Garowe Waxaa maanta 23 May,2009 degaamada maamul goboleedka Puntland hoos yimaada ka furmey barnaamij la yiraahdo maalmaha caafimaadka Caruurta kaas oo ay iska kaashanayaan maamul goboleedka Puntland, UNICEF IYO WHO. Barnamijkaan maalmaha Cafimaadka Caruurta ayaa waxaa uu ka kooban yahay talaal looga hortago cudurada jadeecada, dabeysha iyo teetanada kaas ay ku jirto Hooyada caruurta dhashay. Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Biixi Goojooyinka la siinayo Caruurtaan ayaa waxaa sidoo kale ku jira Vitamin A oo looga hortagayo Indhabeelka, Gooryaano laga soo ridayo Caruurta, kiniini biyaha nadiifiya iyo wacyi galin Guud. Adeegan ayaa waxaa la gaarsiin doonaa iyada oo hayáda UNICEF maalgalinta leedahay 230,000 Caruur ah iyo 300,000 Hooyo. howl wadeeno ka qayb qaadnaya Talaalka Ololahaan oo ah midkii ugu horeeyey oo laga hirgaliyo maamul goboleedka Puntland laga hirgaliyo intii uu jirey ayaa waxaa xarunta PDRC ee magaalo madaxda Garowe talaalkii ugu horeeyey Ilma yar ku siiyey Madaxweynaha Puntland iyada oo halkaas ku sugnaayeen howlwadeenada Wasaarada Cafimaadka kuwasoo horkacayey shaqaalaha 5 maalmood ka qayb qaadan doona hirgalinta Talaalkaan. Madaxweynaha Puntland ayaa shacabka Puntland ka dalbadey in si buuxda uga qayb qaataan Ololaha talalkaan isaga oo sheegey in ay tahay mas'uuliyad diimeed iyo mid Waalidnimo. Talaalkaan oo socon doona 5 Maalmood ayaa waxaa ka qayb qaadanaya 3000 howlwadeeno halka gawaarida gaareyso 430. Madaxweynaha Pl oo dhagax dhigaya Isbitaal Dhinaca kale waxaa maanta Madaxweynaha DGPL dhagax dhigey Isbitaal cusub oo loo dhisayo dadka Dhimirkooda wax u dhiman yahay kaas oo ku yaala duleedka magaalo madaxda DGPL. Munaasadbadaan dhagax dhiga ah ayaa waxaa goob joog ahaa Gudomiyaha gobolka Nugaal, Gudoomiyaha degmada Garowe, madaxa hayáda daryeelka bulshada iyo mas'uuliyin sare oo kale. Isbitaalkan oo dhismahiisa ka qayb qaadan doonaan dowlada Puntland iyo Ganacsato ayaa 20,000-kii dollar ee ugu horeysay waxaa baxshay Shirkada Dahabshil. Maamulka cusub ee Puntland ayaa tan iyo intii uu xilka qabtey waxaa u suurta gashay in ganacsatada Puntland kasoo qayb galiyo hurumarka gobolka. Ganacsatada Puntland kuwooda ku sugan Bosaso ayaa bilihii lasoo dhaafey balan qaadey in ay dhisayaan Isbitaalka Bosaso oo laga dhigayo Labo Dabaq halka shirkada Golis ay sameyneyso calaamadaha wadada dheer ee isku xirta Puntland. GAROWE ONLINE Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted May 24, 2009 Dr Bashir Ali Bixi MD. & Health Minister of Puntland. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted May 24, 2009 Xaflado ku aadan Maalmaha Caafimaadka Caruurta oo ka dhacay Bosaso & Qardho Xaflad furitaan ah oo lagu maamuusayo talaalka caruurta iyo hooyada oo halku dhigiisuna uu Yahay fariimaha caafimaadka ee howlgalka maalmaha caafimaadka caruurta ayaa maanta lagu Qabtay magaalada Boosaaso. Talaalkan oo bilaaban doona maalinta bari ah ayaa waxaa uu socon doonaa mudo shan Maalmood.waxaana xafladaas furitaankeedii ka soo qaybgalay mas,uuliyiin ka kala Socota Maamulka Puntland,hayadaha Unicef iyo Who iyo dadweyne fara badan oo ay socdeen Odoyaal iyo waxgarad. Ugu horayntii waxaa xafladaasi ka hadashay madaxa xafiiska Unicef ee Puntland Aamino Maxamed oo iyadu ka warbixisay ahmiyada uu xambaarsan yahay talaalka ciribtirka dabaysha Ee loogu magac daray Maalmaha Caafimaadka Caruurta iyo Hooyada.haweenaydaas i oo Haysata Diinta Islaamka ayaa sheegtay in diintu ay farayso dadka caafimaadka loona baahan Yahay in ay ka faaiidaystaan dhamaan dadka ku nool Deegaamada Puntland. Talaalkan oo ay la socdaan daawooyinka Vit A,Gooryaan Tirtirid,Daawaynta Shubanka,Biyo Sifeeye iyo Naasnuujinta ayaa isna waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Bari All Xaaji Muuse Geele oo sheegay in dhamaan laga wada faaiidaysan doono barnaamijkan cusub oo ay Fulinayso hayada Unicef. Barnaamijkan oo laga fulinayo goobo fara badan oo ku yaala magaalada boosaaso ayaa Waxaa xafladaasi Dhibicdii ugu horaysay oo talaalkan ah afka ka siiyay Ilmo ka yar hal Sano Wasiirka Amniga DGPL general Cabdulaahi Saciid Samatar oo markaasi ka dhigaysa in uu Daaha ka rogay Furitaanka Maalmaha Caafimaadka Caruurta oo isagu ka duwan talaaladii Hore. Barnaamijkan oo qaybtiisa labaad bilaaban doona 06-06-09 ilaa 10-06-09 ayaa ka howl galaya shaqaala gaaraya 2496 Teem ahaan 230 waxaa kaloo daawada qaadanaya hooyooyin Gaaraya 208,050 Caruur 198,137 waxaa sidoo Kale ka hadlay masuulka Wasaarada Caafimaadka Puntland u Qaabilsan Barnaamijkan Xasan shire oo isna xusay Wasaaradooda ay Awooda saareen barnaamijkan .waxaa kaloo xafladaasi joogay Madaxa barnaamijka talaalka Soomaaliya Cimraan iyo Madaxa qaybta Caafimadka Unicef iyo Wakiilka Hayada Who ee Gobolka bari Faarax Cusmaan. Dhanka Kale waxaa xaflad taasi la mid ah lagu qabtay magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar iyadoo ay ka soo qayb galeen masuuliyiinta gobolka iyo kan degmada iyo Hayadaha Unicef,Who,Safe The Children oo wakiilo ka socday iyada oo xafladaasina ay ka Dhacday xarunta Dowlada Hose. . Ugu horayntii waxaa halkaasi ka hadlay Duqa Degmada Qardho Cusmaan Buux oo sheegay in dadweynaha qardho ay ka faaiidaystaan Barnaamijka Maalmaha Caafimaadka Caruurta . Barnaamijkan oo wacyi galintisa ay socotay maalmahan ayaa waxaa sidoo kale ka hadashay Madaxa MCH Qardho Faaduumo Nuur Shire oo iyadu si gooni ah u xustay in koox walba Gurigooda loogu gayn doono talaalkan. Ugu danbayntii Barnaamijkan ayaa ka wada hirgali doona dhamaan deegaamada puntland Kaasoo talaalkan uu ka duwan yahay kuwii hore. Maxamed Cali Iimaan SBCInternational- Boosaaso Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted May 24, 2009 Madaxweynaha PL oo xariga ka jaray Maalmaha Caafimaadka CAruurta Garowe Madaxweynaha DGPL Dr C/raxmaan Max’ed Max’ud Faroole ayaa maanta ka qeyb galay munasabad balaaran oo xariga lagaga jarayay Barnaamijka Maalmaha caafimaadka Caruurta iyo Hooyada oo lagaga talaalayay caruurta u dhaxeysa da’dooda 5ilaa iyo halsano, waxaana munaasababadaasi goob jog ka ahaa wasaarada Caafimaadka DGPL iyo Hay’adihii soo agaasimay oo ay ka mid ahaayeen Unicef iyo WHO . Dhamaan masuuliyiintii halkaasi kelmadaha ka soo jeediyay ayaa waxaa hadaladoodii diirada lagu saarayay hadafka Talaalkan oo lagu sheegay in uu ka duwan yahayu talaaladii horay oonay ka qeyb galayaan 3kun oo shaqaale ah iyo Gaadiid ku dhowaad 300 Gaaraya kuwaas oo dhamaanta gobolada oo dhan ku fidsan. Masuulka wasaarada Caafimaadka DGPL oo halkaasi ka hadlay ayaa ka sheekeeyay faaiidooyinka uu ay leedahay Daawada Booliyadgu isagoo sheegay in 3bilood uu xirnaa balse hada la soo daayay ayna ka faiideysanayan caruurta Da’dooda u dhaxeyso 5sano ilaa sanad. Sidoo kale waxa xisid mudan in halkaasi ay hadalo ka soo kala jeediyeen masuuliyiin ka socday Hay’adaha Unicef iyo WHO kuwaas oo iyana tilmaamay Barnaamijkan loogu magacdaray Maalmaha caafimaadka Caruurta iyo Hooyada uu yahay mid cirib tir u ah cudurada dilaaga caruurta ku dhaca. Madaxweyne C/raxmaan Max’ed Max’ud Faroole oo halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu isna ka hadlay faaidooyinka Talaalka caruurta uu leeyahay, waxaana uu ku ibaraarujiyay Hooyooyinka iyo waalidiinta caruurta dhalay in ay ka faa ideystaan Talaalkan loogu keenayo guryahooda. C/naasir Yaasiin Salaad SBCInternational- Garoowe Quote Share this post Link to post Share on other sites