Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay wasaaradda waxbarashada uga aamusan tahay dilkii Macallin Macalow?

Recommended Posts

Deeq A.   
Faarax-Sheekh-Cabdulqaadie.jpg?fit=960%2

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa weli wax war ah kasoo saarin dilkii argagaxa lahaa ee maalin ka hor Iskuulka Siidii loogu dhex gaystay Macallin Cabdiraxmaan Macalow Abiikar, kaas oo mindi lagu dilay.

Arrintan ayaa waxaa si weyn ay bahda waxbarashada ugu dhaliileen wasaaradda waxbarashada, iyaga oo su’aallo ka keenay aamusnaanteeda kiiskan xasaasiga ah.

Macallin Cumar Julleri oo kamid ah bahda waxbarashada ayaa ku eedeeyay wasaaradda inay ka gaabisay arrintan, isla markaana aysan wax jawaab ah ka bixin dhacdada.

“Waxyaabaha aan aadka uga xunahay waxaa kamid ah in wasaaraddii waxbarashada wax tacsi ah aysan arrintan ka gaysan, waa ku dadaaleen waxbarashada laakiin arrintan waa ka gaabiyeen, mana aha wax la siyaasadeeyo” ayuu yiri Macallin Cumar Julleri.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Arrintan waa dhibaato bulshada soo gaartay waxaan rabnay in laga dhiidhiyo oo wasaaradda iyo maamulka gobolka Banaadir, gaar ahaan dadkii waxbarashada ka shaqeynaayay ay arrintaan si fiican uga dhiidhiyaan”.

Dhinaca kale wuxuu saluug ka muujiyay wax qabasho la’aanta hay’adaha ammaanka, isaga oo sheegay inuu rumoobay hadalkii ra’iisul wasaare Xamza waa la dilay, waa baxsaday.

“Hadalkii ra’iisul wasaaraha ee ahaa waa dhintay waa baxsaday ee la fahmi la’aaa hadda waxaa moodaa in bulshada ay fahmeyso oo ah kiisaskii u dambeeyay oo dhacay qofkii gaystay isaga oo aan ka fogeyn saldhigga iyo xarunta degmada ayuu baxsaday” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maanta shaqo joojin ay ku dhowaaqday bahda waxbarashada, waxaana muddo saddex maalin ah la xiri doonaa iskuulada iyo jaamacadaha gobolka Banaadir, taas oo ka bilaabaneysa maalinta sabtida ah ee soo socota.

The post Maxay wasaaradda waxbarashada uga aamusan tahay dilkii Macallin Macalow? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this