Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddida Ilaalinta Hantida Qaranka oo la Kulmay Taliyaha Asluubta

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddida Ilaalinta Hantida Qaranka oo la Kulmay Taliyaha Asluubta
IMG-20240213-WA0009.jpg
Hargeysa(Qaran news)-Guddida ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha wakiilada ayaa kulan dheer la qaatey Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland.
Guddida ayaa ka xaal wareysatey Hanaan maamul ,maaliyadeed iyo xil gudasho ee Taliska Ciidanka asluubta , oo ahmiyad weyn qaranka ugu fadhiya hawlo baaxad lehna haya
Taliyaha iyo Hogaano ku wehelinayey kulanka ayaa xog waafi ah ka siiyey Guddida shaqada ay qaranka u hayaan iyo si ay u gutaan waajibaadkooda shaqeed ,
Gudida ayaa aad ugu xog wareysatey xaalada nolosha iyo dhaqaalaha ee Xabiyada
Hantida Ciidanku leeyhy waxa u shaqeeya iyo waxa qabyada ka ah.
Yadoo Taliyaha iyo Saraakiisha la socoteyna ay si hufan oo faahfaahsan uga xog bixiyeen.
Kulanka waxa gudoominayey gudoomiyaha gudida ilaalinta hantida Qaranka
Xildhibaan Mustafe ahmed Kheyreeye oo ay ku weheliyaan afar Mudane oo kala ah
Xildhibaan Xasan ogaal
Xildhibaan Sh. Sokeeye
Xildhibaan J. Caanaboodhe
Xildhibaan Eng.Timo jilic
Kulanka ayaa kusoo dhamaadey jawi degen iyo Wada shaqeyn wacan oo bilow ah .

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this