Deeq A. Posted February 13, 2024 Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgallo qorsheysan oo maanta ka dhacay gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo ay si wadajir ah u sameeyeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka. Howlgalladan ayaa si gaar ah waxaa looga fuliyay deegaano ka dhaca bariga gobolkaas, kuwaas oo kala ah Cali Candhoole, Sheekh Cabdullahi, Baraag Xaaji Dhagax iyo kuwa kale. Inta ay socdeen howlgallada, ciidamada ayaa ka hortegay weeraro qaraxyo ah oo ay soo abaabuleen Al-Shabaab, waxayna ka guuleysteen inay fashiliyaan weeraradaasi. Taliyaha Guutada 24 ee Khaalid Bin Walid Gaashaanle Maxamed Dhagaweyne oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay soo saareen tiro Miinooyin ah oo Shabaab ay dooneysay iney ku dhibaateyso dadka rayidka ah iyo sidoo kale ciidamada howlgallada wada. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay cagta mariyeen fariisimo ay xubnaha Al-Shabaab ku lahaayeen dhammaan deegaanada howlgallada laga fuliyay ee gobolka Galgaduud. Waxaa kale oo uu tilmaamay inay weli howlgalladu sii socdaan, ayna isku fuliyeen dhulka howdka ah oo ay ku sugan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemaya gobollada dhexe oo maalmihii dambe ay ka socdeen howlgallo culus. The post Sawirro: Ciidamada DF oo ka hortegay weeraro qaraxyo ah appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites