Sign in to follow this  
Jacaylbaro

SOMALILAND'S FOREIGN POLICY IN DETAILS

Recommended Posts

Wasiirka Khaarijiga oo ka Warbixinayey Siyaasadda Dibadda

 

 

Hargeysa (Qaran)- Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale, ayaa sheegay in ay maanta siyaasaadda arrimaha dibeddu gaadhay halkii ugu fiicnayd tan iyo Somaliland intii ay dib ula soo noqotay Somaliland. Wasiirku waxa uu hadalkan ka sheegay shalay mar uu Golaha Guurtida uga xogwaramayey siyaasadda dibedda ee dalka, isagoo intaa ku daray in ay Somaliand ka kasbatay caalamka sumcad iyo qadarin. Islam markaana ay xafiisyo faro badani uga furan yihiin wadamo shalay mar uu Golaha Guurtida uga xogwaramayey siyaasadda dibedda ee dalka, isagoo intaa ku daray in ay Somaliand ka kasbatay caalamka sumcad iyo qadarin. Islam markaana ay xafiisyo faro badani uga furan yihiin wadamo kale duwan, waxa kaloo intaa raaciyey in uu soo wanaagsanayo xidhiidhka aynu la leenahay wadamada carabta.

 

 

Kulankan oo guddida siyaasadda ee Golaha Guurtidu soo qaban qaabiyey ayey ujeedadiisu ahayd in uu wasiirku uga waramo mudanyaasha siyaasadda arrimaha dibedda iyo halka xaalka wadanku marayo.

 

 

Ugu horreyn waxa wasiirku mahad ballaadhan u soo jeediyey Golaha Guurtida, isaga oo sheegay in ay taariikhweyn ku leeyihiin, isla markaana ay gacanweyn ka geysteen dhimaha qaranka Jamhuuriyada Somaliland ee maanta la dugsannayo.

 

 

Intaa ka dib waxa mudan Cabdillaahi Maxamed Ducaale ka warbixiyey sooyaalkii taariikheed ee dalka Somaliland uu soo maray, wixii k dembeeyey 18 May 1991. Waxa uu tilmaamay in wakhtigaasi duruuf murugo leh la soo maray, oo aanu ahayn wakhti aad loogu xisaabtami karo ee uu ahaa mid qallaalaasi.

 

 

Waxa uu xusay in markii shirkii Borama laga soo noqday la isugu yimid cahdi qarameed dawladdii uu hoggaaminayey Alle ha u naxariistee, Marxuun Maxamed X. Ibraahim Cigaal, oo iyana muddo yar ka dib iyada oo haykalkii dawladdeed si fiican u dhismin, oo dhisme qaran oo qalfoof ah la yar abuuray oo la taagay uun, taasi oo ahayd taariikh dhacday oo aan carabka laga dhawri karin.

 

 

Intaa ka dib waxa dhacay buu yidhi wasiirku dagaalkii sokeeye oo waayihiisa watay, waxaanu uu ka mdi ahaa nasiib darooyinka innagu dhacay, muddadii inta ka dembeysay markii heshiiyey, waxa la isku dayey in dastuur la sameeyo oo waliba afti loo qaado, taasi oo ahayd arrin aad u adkeyd haddana weynu ku guulaysanay.

 

 

Waxa wasiirku soo gundo degay wasaaradda uu madaxda ka yahay ee Arrimaha Dibedda, isaga oo sheegay 1991-kii markii wasaaradda la unkay ilaa maanta, in uu marba dhagax la dhigayey oo qof waliba meel gaadhsiinayey.

 

 

Isaga oo wasiirku ka waramayey haykalka dhisme ee wasaaradda waxa uu yidhi; “Xafiisyo faro badan ayaa dibedda inooga furan oo ay ka mid yihiin Ethiopia, Koonfurta Afrika, Ingiriiska, dalka Belgium iyo EU-da oo wakiil inoo jooga, Italia, Norway, USA Washington, Germany, Yemen, Kenya iyo Ghana. Waliba waxa intaa dheer in wakiil sharafeed ay inoo joogaan meelo badan sida Sweden, Denmark, Canada, France, China Srilanka, Saudi Arabia, Kuwait, Mozambique iyo dalal kaleba. Waxa iyana intaa dheer waxa jira dad wareega oo u socda qadiyaddeena oo iyagu ka sita Madaxweynaha iyo Wasaaradda qoraal rasmi ah oo ay kaga wakiil yihiin, tooshna u sita arrimaheena.

 

 

Wakhtigan xaadirka ah markii uu Madaxweynuhu arkay in baahiweyn hadda loo qabo in wasaaradii kor loo qaado baahiddeeda iyo tayaddeeda waxa uu ifaray in aan dib uga noqdo qaab-dhismeedkii wasaaradda iyo waliba hawlihii hawlwaddeenada wasaaraddu qabnayeen si loo tayeysiiyo.

 

 

Waxa kale oo lagama maarnaan noqotay oo Madaxweynuhuna aad iigu dhiiri galiyey, in siyaasadda dibeddu aanay ahayn mid cidi la jeesto oo wasaarad, qof, xukuumad ama gole gaar ahi uu wato, waa wax qaran oo reer Somaliland oo dhan ka dhaxaysa.

 

 

Markaa Wasaaradda Arrimaha Dibedda waxaan ku daray laba qeybood oo aan hore u jirin jirin midi waxa weeyi, xidhiidhiyaha hawsha ictiraaf-raadinta Somaliland, oo taasi aniga ii hoos imanaya, laakiin wasaaradii aan ku dhexmilmayn qofkaasi, ooo isaga iyo shaqaalihiisu toos u xidhiidhinayaan dibedda iyo wasaaradda iyo xubin kale oo aad u muhiim ah, waana xidhiidhiyaha qurba-jooga Somaliland, kaas waxa uu toos u hoos imanayaa Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibedda, laakiin aan wasaaradda ku milmayn.

 

 

Ta kale tayadda dadka u shaqeeya wasaarada waanu eegaynaa, Madaxweynuhuna taa amar cad buu ka bixiyey, anigana way iga go’an tahay in aanu dib ugu noqono shakhsi shakhsi iyo qof qof, waayo waxa loo adeegaya dan weeyi, waxaan jeclahay golayaashu had iy jeer kolayba qofba qofbuu wataa ama xagayaga ha noqoto amam xaga goleyaasha ha noqotee in arrintaa aniga la iga ilaaliyo oo aan la iila iman, taasina hadeerba waa digniin.”

 

 

Mar uu wasiirku ka waramayey halka arrin marayo, waxa uu sheegay in dawladdaha caalamku u kale qaysan yihiin oo Afrika meel ay dhigeen oo dalab badan oo Afrikaan ahi ay arrinta Somaliland wateen. Halka qaar kale oo Afrikaan ahi ay taagan yihiin meel dhexe oo wali arrinta Somaliland haa iyo mayatoona odhan, laakiin u baahn in laga shaqeeyo. Kuwaasi oo uu ku tilmaamay in ay xerada Somaliland lug la soo galeen lugna ay doonayaan in ay soo qaadaan.

 

 

Halka iyaguna kooxda saddexaad oo uu ku sheegay wasiirku in ay yihiin kuwo madi ah ay yihiin kuwo u arka in aan dani ugu jirin Somaliland oo gooni isu taagta.

 

 

Waxa uu sheegay wasiirku in marka hore ay doonayaan in ay gacanta galiyaan oo ay xoojiyaan kuwa saaxiibada inala ah ee inala shaqaynaya ee arrinteena soo qaaday isaga oo ka codsaday [wasiirku] in aan mudanayaashu waydiin cidda ay yihiin. Isaga oo ku sababeeyey inaynu cadaw badan leenahay, oo saxaafaduna markiiba la cararto iyadoo aanay waxba dhammaan. Waxa kale oo wasiirku ka hadlay xidhiidhka aynu la waddaagno dalalka carabta oo uu sheegay in dad badani yidhaahdaan Somaliland baa dhabarka u jeedisay. Taasi oo uu sheegay in aanay waxba ka jirin, ee inta jeer ee ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen in xidhiidh dhow lala yeesho dalalka islaamka lawada ogyahay.

 

 

Waxa uu xusay mudane Cabdillaahi in uu la kulmay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Caamir Muusa, shirkii u dembeeyey ee carabta oo waliba isagu soo dalbay, isla markaana uu ka garaabay waxbadan [Caamir Muusa] sheegayna in uu guddi u soo dirayo Somaliland. Dhanka kalena waxa uu kala hadlay Baasaaboorka Somaliland oo uu sheegay Caamir Muusa in uu gaadhsiin doono xubnaha jaamacad carabta Baasaaboorkan aad meel walba ku tagteen, laakiin aan carabtu ictiraafin.

 

 

Waxyaabihii uu noo ballan qaadayna waanu ka sugaynaa Caamir Muusa, ayuu yidhi Wasiirku.

 

 

Dhanka kale waxa uu xusay wasiirku in ay la kulmeen dalal carab ah oo Afrikaan ah oo ay u sheegeen in haddii aan waxba la tarayn Somaliland dibindaabyada uun laga daayo. Arrinta Soomaaliduna ha heshiiso ama ha islayso ee ay iyaga u taal, laakiin iskuma khasbi kartaan carabeey.

 

 

Mudane Cabdillaahi waxa kale oo uu tilmaamay in siyaasaddii Afrika ka lahayd Somaliland ay is bedeshay maalintii uu Guddoomiyaha Midowga Afrika u soo diray Somaliland ku xigeenkiisa. Taasi oo dhalisay in marka Madaxweynaha ama cid kaloo madaxda Somaliland ahi safar u baxaan loo soo dhaweeyo si sharaf leh oo ay dalliil u tahay waftigii Baarlamaanka ee u dembeeyey.

 

 

Mar uu ka hadlayey dalalka reer galbeedka waxa uu sheegay, in gaar ahaan kuwa yidhaahda dumuqraadiyadda iyo nabada ayaanu ehel u nahay ay la garnaqsadeen, isagoo yidhi ‘Dimuqraadiyadda uma aragno wax la shushubo, oo qof inta la siiyo la yidhaa dimuqraaddiyadii waa taas ee cab oo soco, dabadeedna dhabarkaanu kaa dhirbaaxnay oo waanu kuu ducaynay, laakiin dimuqraadiyaddu waa tii aynu gurigeena ka soo bilownay, iyaguna way ogyihiin.

 

 

In badan waxa ay yidhaahdaan qadiyadiinu Soomaali ayey u taal, laakiin qadiyada Soomaali u taala noqon mayso, Soomaali way kala fogtahay oo waa cirka iyo dhulka. Cid dhexgashana way u baahan yihiin.’

 

 

Waxa uu yidhi wasiirku ‘dadka qaar baan la yaaba oo yidhaa Laascaanood ayaa la sheeganayaa. Dee Laascaanood ma sidii darmaddaa la duubayaa oo cidi tuurta ku qaadanaysaa, xudduudo ayey ku dhex jirtaa.’

 

 

Waxa wasiirka Arrimaha Dibeddu ku soo gebo gabeeyey hadalkiisa, isagoo sheegay in safaradii badnaa ee ay galeen aan midna khaarin ee ay guulo ahaayeen.

 

 

Intaa kadib waxa wasiirka su’aalo waydiiyey qaar ka mid ah xildhibaanadii golaha fadhiyey, kuwaas uu u dhacay sidan:

 

 

S-Xil. Xuseen Madar Xoosh: waxaanu maqalnaa idinkoo hawluhu meel wanaagsan idiin marayaan, in rag idin daba maraan oo yidhaahdaan hadalkiina waxaba kama jiraan ee ka waran?

 

 

J: Mudane adigu haddii cid aa tuhunsan tahay raadi, laakiin anigu mahayo midaas, wixii siyaasad ahi waa meesheeda, wixii dan qaran ahna in meel looga soo waddo jeesto oo iyada la wada ilaashado ayey ku haboon tahay

 

 

S-Xil. Axmed Dirir Cali: maxay ku dhacday in Rwanda mooyee cidi inaga taageeri waydo shirkii u denbeeyey ee dawladda Afrika?

 

 

J: Horta guulba waxa aan u arkaa arrin lama taabtaan ahayd oo lagama hadlaan ahayd in la soo qaado. Takale Dirirow dadka xoolo kuma lihin ee waa qadiyad xa q ah oo is-hortaag iyo cadow badanba way leedahay. Kana diidana ka tagi mayno caayina mayno, albaab walba waanu garacaynaa, albaabka nagala furiwaayana waanu ku noqnnoqaynaa.

 

 

S-Xil. Maxamed Cismaan Guuleed: b) Haddaynu Somaliland nahay waxan aynu saaxiibkeen Itoobiya ka iibin kariwaynay ee Soomaaliya ka iibisay waa maxay?

 

 

t) Dawladdaha Carabta wax lagu maalo baa jiree siyaasaddeena ma ku dari karnaa meel laga galaa bay leedehee in aynu cid kale uga wareegno?

 

 

j) Soomaaliya ayuunbaa shirarka adduunyada laga hadal hayaa’e miyaanay ahayn in aynu ka iibino in shan Soomaali jiraan oo mid waliba meel taagan tahay?

 

 

J: b) Siyaasadda Itoobiya iyo Somaliland waa mid cad. Xidhiidh sokeeye ayaana ka dhexeeya, shacab ahaan iyo xukuumaddba. Xafiiskeedii halkana way ballaadhisay inagana waxa inoo jooga shaqaale ilaa 8 qof ah xafiiskeena Itoobiya.

 

 

t) Annagu cidna cid tusimayno, laakiin Somaliland meeshii danaheeda ay u aragto in qadiyaddeedu ku jirto waanu tagaynaa, annagoon cidna cid ku khuukhinayn. Waraabe u taagna nina u samayn mayno. Carab dhaqan, diin iyo xidhiidh baa innaga dhexeeyey, geed dheer iyo geed gaabanba waanu u galnay, waanan wadaynaa siyaasadda arrimaha dibedda ee aan ku shaqeynayana kowbay ka tahay in xidhiidhkii carabta la xoojiyo. Waana taa nala kulan siiday Caamir Muusa.

 

 

j) Caalamka ka dhaadhicin mayno shan Soomaaliyeed oo waxay moodayaan in aanu wali daba joogno Soomaali weyn.

 

 

S-Xil. Cabdiqaadir Maxamed Xasan: ka wasiir ahaan waxaanu kuu naqaan in aad tahay nin Maraykan ah, maadaama aad wax ku baratay. Intee in le’eg ayuu gaadhsiisan yahay xidhiidhka aynu la leenahay dawladda Maraykanku?

 

 

J: Horta anigu Maraykan ma ihi, laakiin waxbaan ku bartay waa dal aan aad u qiimeeyo, waxaan kuu sheegayaa xidhiidhkeenu aad buu u wanaagsan yahay oo waa sida dawladdaha kale, inagu xoolo kuma lihin Maraykanka.

 

 

Waxaanu wadaagnaa meelo badan oo ay ka mid yihiin dimuqraadiyadda, in qofku waxna doorto lana doorto. Waanay inagu ammaanaan, midna way inoo ballan qaadeen oo ah Somaliland arrintoodu marnaba dib uma noqon karto cid waxyeeli kartaana ma jirto. Horena waxay inagula taliyee ha ku milmina shirarkaa dib u heshiisiinta ee ka socda koonfur. Waxa kale oo ay inagala hadleen arrinta komishanka oo ay yidhaahdee arrimahaasi ayeynaan dib idiin dhigin ee iska xaliya, oo hawshiina hore u dhameeya si doorashooyinka iyo dimuqraadiyaddu idiinku hano qaado.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this