Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted November 24, 2009 Xarakada Alshabaab ayaa hanjabaad kulul ugu hanjabtay culumada degmada Kaaraan Kadib markii Xarakada Alshabaab ee wareeqo digniin ah ku daadiyeen degmada Kaaraan ayaa yimid khilaaf xoogan oo lagala soo horjeedsaday waxa ay ku kacayaan. Warqadahaan ayaa waxaa ku qornaa in khudbadaha laga akhriyo masaajidada Kaaraan in laga wada badalo sida ay ku socdaan oo ay qaataan waxa ay Xarakada Alshabaab u soo diyaariso. Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan cidii ka dhaga adeego in lagu qaadi doono ciqaab culus. Durbadiiba arintaan ayaa waxaa ka dhashay murun iyo qalalaaso fara badan, iyadoo ay Culumada ka door bideen in ay iskaga barakacaan degmada Kaaraan marba haddii faraha lala soo galay afkaartooda. Sheekh caan ka ah degmada Kaaraan oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in waxa ay ku kacayaan Alshabaab ay tahay qalad aanan loo dulqaadin karin, isagoo intaasi ku daray in ay yihiin dad Islaam ah oo ay weligood arkin dad oranaaya waa inaad badashaan qaabka aad qudbadaha u wadaaan. " Waxaanu soo aragnay dowladdii Maxamed Siyaad Barre oo lagu sheegay Geeska Afrika iney ugu awood badan tahay ayaa ebed soo faragashan qudbadaha masaajidada ka socdo, waxa aanu ka akhirno masaajidada waa waxa ay soo akhrin jireen Culumadii inaga horeysay ,” sidaasi waxaa yiri sheekh caan ka ah degmada Kaaraan oo codsaday inaanan xusin magaciisa. Degmada Kaaraan hadal heenta ugu badan ayaa waxay noqotay arintaan ka dhex aloosan Alshabaab iyo Culumada deegaanka. Xigasho ________________ What is this? Turkiya or one of the 'stans in Central Asia? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Muriidi Posted November 24, 2009 that reminds me of the first time i saw "camel milk threads" back in 2005. reminded me of hobolada waberi,cawke,restaurants in hargeisa,and hot sweaty evenings in boorame! Sol also reminded me of "polytechnic" institute mogadishu. Quote Share this post Link to post Share on other sites