Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Tacsi ugu Tagay Safaaradda Imaaraadka Cabata ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Kadib dhacdadii Xerada Gordon ee lagu dilay saraakiisha Imaaraadka, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ayaa tacsi ugu tagay Safaraadda Imaaraatka Carabta ee Muqdisho isaga oo sidoo kale kulan is-xogwareysi la qaatay Danjire dalkaasi u fadhiya Muqdisho Axmed Jumca Al-rumeysi.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay ahmiyadda xiriirka soojireenka ah ee labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo kobicinta dhaqaalaha, kadib weerarkii ka dhacay xerada General Golden.

Weerarka lagu qaaday xerada General Golden ayaa waxaa lagu dilay in ka badan 4 saraakiil ka tirasan dowladda Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn, kuwaas oo tabar siinayay ciidamada Soomaalida, waxaa sidoo kale waxyeello soo gaartay saraakiil kale oo kale duwan.

Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa dhowaan wadagalay heshiis dhanka ammaanka oo ay ciidamo ka tirsan xoogga dalka ay ku tababarayaan Imaaraad, xilli labada dal uu xiriirkoodu aad usoo fiicnaaday marka la eego siduu ahaa.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa kamid ah dowladaha sida dhow u taageera dowladda Soomaaliya, waxaana lagu xasuustaa dhowaan markii dalka ay ka dhaceen daadadka in ay kamid aheyd dowladaha ka qaatay doorka muuqda ee gargaar.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this