Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha UCID oo ku Baaqay in la Dhammeeyo Khilaafka Doorashooyinka Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha UCID oo ku Baaqaycin la Dhammeeyo Khilaafka Doorashooyinka Somaliland

Hargeysa(Qaran news)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in caalamku u soo jeedsaday Somaliland, hase ahaatee loo baahan yahay in la soo afjaro khilaafka la xidhiidha Arrimaha Doorashooyinka.

Eng. Faysal Cali Waraabe wuxuu tilmamay inuu dhaliilsan yahay in Guddoomiyaha Guurtiddu uu fadhigii shalay golaha oo fadhiya uu sheegay in madaxtooyada looga yeedhay, sidii in uu yahay Wasiir.

Guddoomiye Faysal wuxuu ku dooday in heshiiska is afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya uu yahay khayr Alle u soo diray Somaliland, waxaanu xusay in loo baahan yahay in la taageero heshiiskaasi, iyadoo la marinayo baarlamaanka.

Waxa kaloo uu sheegay in aanay habboonayn in si xun looga doodo, hase ahaatee uu u qalmo in la taageero maadaama oo uu yahay mid masiiri ah.

Guddoomiyaha UCID wuxuu bogaadiyay ciidammada kala duwan ee dalka, wuxuuna siyaasiyiinta ugu baaqay in aan la naqdiyin ciidammada oo la xushmeeyo hawlaha adag ee ay u hayaan Qaranka.

Guddoomiye Faysal wuxuu sheegay in aqoonsiga heshiiska isfahamka ku jira ee lagu ictiraafayo Somaliland uu soo kiciyay isla markaana middeeyay cadowga Somaliland ee daafaha caalamka ku kala sugan, kuwaasi oo ka xun in la aqoonsado Qarannimada Somaliland.

Guddoomiyaha UCID wuxuu tilmaamay in aanay wax dawlad ah oo shaqeynaysaa ka jirin Soomaaliya, waxaanu ku booriyay beesha caalamka inay Soomaaliya ku celiyaan Qarammada midooobay ee xukumi jirtay, maadaama oo aanay dhisi karin dawladnimo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this