Sign in to follow this  
Che -Guevara

Nuur Cadde haddii uu sheegi jiray in uu nabad ka shaqeynayo hadda waa nin Colaadeed

Recommended Posts

ABUU MANSUUR: “Nuur Cadde haddii uu sheegi jiray in uu nabad ka shaqeynayo hadda waa nin Colaadeed”

 

Khamiis, April 24, 2008(HOL): Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Masnuur oo shir jaraa’id u qabtay saxafiyiin kula xiriiray Taleefoonnada leh adeegga lagu shiri karo ayaa wuxuu ka hadlay dagaalladii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho iyo arrimo kale oo ku saabsan dib u heshiisiinta laga dhex wado Federaalka iyo Mucaaradka ka soo horjeeda.

 

Abuu Mansuur waxaa uu sheegay in Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka ay xasuuq ka geysteen Xaafado ka tirsan Degmada Huriwaa, wuxuuna carrabka ku dhuftay in rag Culumaa’udiin ah oo ka tirsanaa Jamaacada Tabliiqa lagu dilay Masjidka Al-Hidaaya ee ku yaala Degmada Huriwaa.

 

Afhayeenka Al-Shabaab Abuu Mansuur oo sii hadlayay waxaa uu shirkiisa jaraa’id ku weeraray Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), wuxuuna sheegay in uu Nuur Cadde uu yahay nin colaadeed oo sida uu hadalka u dhigay ah Maato-leys ah.

 

“Nuur Cadde haddii uu sheegi jiray in uu nabad ka shaqeynayo hadda waa nin Colaadeed, wuxuuna sheegay in uu ku faraxsan yahay dadkii rayidka ahaa ee dhawaan lagu xasuuqay Degmada Huriwaa”ayuu yiri Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

 

Mar wax laga weydiiyay Afhayeenka sida ay u arkayaan dadaallada ay Qaramada Midoobay waddo ee la doonayo in lagu wada hadalsiiyo Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ka soo horjeeda, waxaa uu sheegay in aysan jirin wada hadallo ay la gelayaan Dowladda Federaalka, isagoo sheegay in Isbaheysiga Dib u xoreyntana uu sheegay in uu ka fiirsanayo wada hadallo uu la galo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Wuxuu beeniyay Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur in Hub laga qabsaday ay shalay soo bandhigeen Saraakiil Itoobiyaan ah iyo Saraakiil kale oo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in aysan dagaalyahannadooda gaadiid dagaal ku dagaalamin, hubka la soo bandhigayna uu ahaa mid lahaayeen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya.

 

Joogitaanka Ciidamada Amisom ee Magaalada Muqdisho ayuu shirkiisa Jaraa’id uga hadlay Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Masnuur, wuxuuna sheegay in ay Ciidamadaas ugu baaqeen in ay isaga tagaan Dalka Soomaaliya haddii aysan waxba ka qaban karin dhibaatada lagu hayo Shacabka Soomaaliyeed, “Waan ku celineynaa mar kale war haddii aadan wax ka qaban karina xasuuqa lagu hayo Shacabka Soomaaliyeed waxba ha eeganina ee isaga baxa Dalka Soomaaliya”ayuu yiri Abuu Mansuur oo sheegay in aysan jirin nabad ay Ciidamada Amisom ka sugayaan Magaalada Muqdisho.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this