Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Sidee ninkii Shabaabka ahaa ee toogashada fuliyey ku galay xerada Goordan?

Recommended Posts

Deeq A.   
427970921_7908142445876951_7512596904552

Muqdisho (Caasimada Online) Shaki xoogan iyo su’aallo ayaa ka dhashay weerarkii toogashada ahaa ee habeen hore ka dhacay gudaha xerada Jeneraal Goordan, kaas oo ay mas’uuliyaddiisu sheegatay kooxda Al-Shabaab oo haatan dagaal adag kula jirto dowladda.

Toogashada ayaa waxaa fuliyay askari ka tirsanaa ciidanka lagu tababaray xeradan oo ay gacanta ku heyso dowladda Imaaraadka, kaas oo magaciisa lagu sheegay Xasan Maxamed, isla markaana Al-Shabaab kasoo goostay 2021-kii, kadibna mar dambe qortay ciidamada.

Askariga ayaa toogasho ku dilay saraakiil sar sare oo isugu jiro Soomaali iyo Imaaraati, waxaana kamid ahaa Maxamed Al-Mansouri oo ahaa sarkaalkii haystay xerada oo dhan.

Korneel Cabdullahi Cali Macow oo ka tirsan saraakiishii hore ee NISA ayaa bixiyay xog ku aadan sida ay Al-Shabaab ugu suuragashay inay dhex gasho xerada Jeneraal Goordan.

“Sideedaba meel ay argagixiso ka dagaalameyso way dhuumaaleysataa dadka ayayna ku dhex jirtaa, waxaa waayey dariska ayay la joogtaa” ayuu wareysiga ku yiri Korneelka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kooxdan ay muddo dheer ka shaqeyneysay arrintan, isla markaana ay sameysay diyaargarow dhanka sirdoonka ah, kaas oo u suuragalay.

“Shabaab muddo dheer ayay arrintan u kuurgaleen oo waxa ay sameeyeen u diyaar garow dhanka sirdoonka ah ayay ka dhex wadeen qaabkii ay u dhex-gali lahaayeen Imaaraadka, laakiin taxadarka ma’aha in qofka damaanad la waydiiyo waxaa jira qalab yar oo qofka dhaq-dhaqaaqa wada lagu ogaado waxa uu wado, waana sahlan tahay ” ayuu yiri Macow.

Waxaa kale oo uu yiri “Nimankan waa lasoo dhex-galay, waana lagu dhex jiraa ciidanka iyo hay’adaha kale dowladdaba”.

Korneelka ayaa ku taliyay in baaris lagu sameeyo kiiska ninka weerarka fuliyay, maadaama sida uu kusoo galay ciidanka laga ogaan karo damaanacadda iyo dadkii soo qoray.

“Qaabka uu ninkaan u dhex-galay meesha iyo ogaal la’aanta dadka soo qoray ninkan wuxuu ahaa ayaa loo baahan yahay inay hay’adaha amniga baaraan, waayo waxaa jira damaanad wax la yiraahdo Imaaraadka ayaa lacag badan bixinaayo ayuu kusoo dhex-galay, sidaas ayuuna dadka ku baabi’iyay” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Macow.

The post Xog: Sidee ninkii Shabaabka ahaa ee toogashada fuliyey ku galay xerada Goordan? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this