Deeq A. Posted February 12, 2024 Waxa maanta madaxtooyada kulan si weyn indhaha looga hayo ku yeelanaya Madaxweyne Muuse Biixi, shirgudoonka labada golle iyo guddoomiyaha maxkamadda sare, waxaana la filayaa inay ka wadahadlayaan xeerkii doorashooyinka ee horyaal golaha guurtida ee la filayay inay maanta isniin ah guurtidu meel mariso, balse guddoomiyaha guurtidu fasax galiyay ilaa sabtida golihii. Xeerka doorashooyinka oo muddaba soo jiitamayay ayay hore heshiis rasmi ah uga gaadheen labada golle ee wakiillada iyo guurtida waxa kaliya ee la sugayaa waa inay dhaqan-geliyaan. Source Share this post Link to post Share on other sites