Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu yahay qoraalka ku qoran luuqada adag ee Puntland soo waddo?

Recommended Posts

Deeq A.   
1200px-Puntland_State_of_Somalia_Coat_of

Xukuumadda Puntland ayaa dhawaan sii daynaysa qoraal luuqad adag ku qoran oo ka dhan ah wax ka beddelka dastuurka Soomaaliya.

Qoraal rasmi ah oo ay soo saari doonto xukuumadda Siciid Deni ayay si adag ugaga hor imaan wax ka beddelka dastuurka KMG ah ee dalka kaasi oo ay ku hawllan yihiin labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya.

“Dowladda Puntland waxay caddayn doontaa in aysan khusayn hawlaha socda ee wax ka beddelka loogu samaynayo dastuurkii dalka kuwaas oo hal dhinac go’aan ka yimid ah oo aan la isku raacsanayn”.

“Dowladda Puntland waxay sidoo kale mowqif adag ka qaadan doontaa tallaabooyinka baal-marsan dastuurka iyo shuruucdii lagu heshiyay ee Villa Somalia ku wado nidaamka dowlad dhiska dalka” ayuu noo sheegay mas’uul ka tirsan Puntland.

Xogta ayaa intaas ku daraysa in sidoo kale uu fashilmay shirkii Garoowe lagu qaban lahaa oo uu gogoshiisa dhigay Siciid Deni si loogaga hadlo arrimaha siyaasadda Soomaaliya.

Dhinaca kale xildhibaannada labada aqalka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dood ka yeelanaya wax ka beddelka iyo ansixinta dastuurka KMG ah ee dalka.

PUNTLAND POST

The post Muxuu yahay qoraalka ku qoran luuqada adag ee Puntland soo waddo? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this