Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni iyo Agaasimaha hay’adda PSF oo shir gaar ah ku yeelanaya Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1707640621116.jpg?resize=720%2C72

Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni iyo Agaasimaha hay’adda PSF, maxamuud Cismaan Diyaano ayaa Todobaadkan shir khaas ah ku yeelanaya Madaxtooyada Garoowe.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Puntland oo aan ogolayn in magaciisa la xigto ayaa noo xaqiijiyay in ay saacadaha soo socda shir gaar ah u ballansan yihiin Siciid Deni iyo Maxamuud Diyaano.

” Waa shir gaar ah oo ku saabsan wada-shaqaynta hay’adda PSF ee uu hoggaamiyo Maxamuud Diyaano iyo madaxweynaha dib loo doortay ee Siciid Deni, laguna dhamaynayo wixii mad-madow ah ee labada dhinac ka jiray” ayuu yiri sarkaalkan oo aan rabin in magaciisa la xigto.

Shirkii u danbeeyay ee dhexmaray Siciid Deni iyo Maxamuud Diyaano ayaa xarunta Madaxtooyada Boosaaso ka dhacay 4 March 2022 waxaana la sheegay in lagu xalliyay xiisaddii Madaxtooyada iyo PSF.

Isla habeenkaas 4 March ayuu Madaxweyne Deni shaqadiisi dib ugu celiyay Maxamuud Diyaano kadib markii ay socon weyday xilka qaadistii uu ku sameeyay 24 Nov 2021 taasi oo sababtay dagaalkii Boosaaso.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni iyo Agaasimaha hay’adda PSF oo shir gaar ah ku yeelanaya Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this