Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Madaxweyne Deni oo xukuumaddiisa cusub ku soo daraya mas’uul ka soo jeeda Koonfur Galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   
deni-s-816x542-1-1.jpg?resize=816%2C542&

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa markii u horraysay golihiisa xukuumaddiisa ku soo daraya mas’uul ka soo jeeda degaannada Koonfur Galbeed.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in madaxweyne Deni uu hal wasiiru-dowle u magacaabayo dadka ka soo jeeda degaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Weli ma cadda shakhsiga loo magacaabayo xilkan balse keliya waxa la xaqiijiyay in uu wasiiru-dowle siinayo dadka reer Koonfur Galbeed ee ku dhaqan Puntland.

Xogtan ayaa si cad u muujinaysa xaqiiqada warka ku saabsan in Siciid Deni uu yahay musharrax mar kale u tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya oo uu laba jeer oo hore ku dhacay.

Waxa la rumaysan yahay in uu magacaabistan u samaynayo si uu codad uga helo xildhibaannada Koonfur Galbeed laga soo dooran doono doorashada 2026.

PUNTLAND POST

The post Xog: Madaxweyne Deni oo xukuumaddiisa cusub ku soo daraya mas’uul ka soo jeeda Koonfur Galbeed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this