Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Update Villa Somalia attacked gunfire heard

Recommended Posts

Update 1: Khasaaraha Dagaalka Muqdisho oo Kordhaya iyo Rasaas Dheceysa

Tuesday, February 24th, 2009 at 5:24 pm

Cabdalle Muumin

 

HR Media News Desk

 

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhoweyd madafiic lagu tuurey xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ee Muqdisho iyadoo welina ay socdaan rasaas goos goos ah oo magaalada ka dheceysa.

 

Wariyaha Horseed Media ee Muqdisho Maxamed Cabdi Kuuriya ayaa sidoo kale ku soo waramaya in weli xilligan la maqlayo rasaas ka dheceysa meelo kala duwan oo magaalada ka mid ah, waxaana goobaha ay rasaastu weli k dheceyso ka mid ah degaanadii ay maanta dagaaladu ka dheceen ee degmada Hodan.

 

Degaanka KM4 oo maanta dagaalka ugu badan uu ka dhacay ayaan jirin wax dhaqdhaqaaq ah oo ka jira, waxaana si aad ah looga maqlayaa rasaas mararka qaar xoogeysaneysa oo ka dhacaysa meelo ku dhow xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

 

Rasaasta weli dheceysa oo ay ku jirto mida hubka culus ee hoobiyaasha iyo madaafiicda ayaa xitaa gaaraya degaano kale oo aad uga fog meelaha lagu dirirey halkaasi oo dad ay ku wax yeeleysey.

 

Dad xog ogaal ah ayaa Horseed Media goor dhoweyd u sheegay in dhowr madfac oo hoobiye ah ay ku dheceen xarunta madaxtooyada kuwaasi oo aan la ogeyn wax khasaare ah oo ay geysteen.

 

Horseed Media oo xiriir la sameysay madaxtooyada ayaan noo suuro gelin inaanu wax faah faahin ah helno.

 

Khasaaraha oo kordhaya

 

Khasaaraha dagaalka maanta dhex marey ciidanka DKMG iyo kuw AMISOM iyo kooxaha ka soo horjeeda ee Xisbul islaam ayaa lagu soo waramayaa inay sii kordheyso oo saacadba saacada ka dambeysa dad hor leh la geynayo cusbitaalada, waxaana taasi ay keeneysaa in tirada dhimashada iyo dhaawaca ay mar walba ka badato intii hore.

 

Cusbitaalada caafimaadka ee Muqdisho ayaa lagu sii wadaa weli dad ay waxyeelo ka soo gaareen dagaaladu oo u badan rayid xoogsato ah oo ku dhaawacmay dagaalka maanta, cusbitaalada Madiina iyo Dayniile ayaa ka mid ah cusbitaalada dadka ugu badan la geeyey.

 

Maamulka cusbitaalka Madiina ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadka la keenay cusbitaalka ee dhaawaca ah ay u baahan yihiin qalliin madaama ay xaaladoodu culus tahay. Waxaana maamulka cusbitaalku ay sheegayaan in dawada iyo dhakhaatiirtu y ku filan tahay xilligan, laakiin waxay walaac ka muujiyeen tirada badan ee dadka ah ee maanta keliya la geeyey cusbitaalkooda iyadoo 60 qof oo dhaawac ah la dhigey cusbitaalka Madiina maanta oo kaliya.

 

Inta badan dadka la dhigey cusbitaalada Muqdisho waa dad rayid ah oo qaarkood ku sugnaa goobo ka agdhowaa meesha uu dagaalku ka dhacay sida Suuqa Bakaraaha iyo wadada Taleex oo ka wada tirsan Degmada Hodan.

 

Dagaalka maanta dhex marey dhinacyada DKMG iyo ciidanka Afrika ee AMISOM ee nabad ilaalinta oo dhinac ah iyo xoogag kale oo taabacsan Xisbul islaam ayaa sababey dhimashada dad ka badan 20 iyo dhaawaca 80-meeyo dad ah wallow ay jirto in tirada ay sii kordheyso maadaama ay weli rasaastu dheceyso oo duqeyn ay magaalada ka jirto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this