Deeq A. Posted February 11, 2024 “Madaxtooyadaa Nalooga Yeedhay” Waa hadal weyn oo muujinaya mustawaha fahamka hooseeya ee dowladnimo iyo faham-guurka ku dhacay dalkii iyo dadkii Somaliland. Waa hadal muujinaya in laga gebi ahaanba Somaliland ka guurtay Dastuurkii iyo xeerarkii u yaallay ee ku dhisnaa Is-dheellitirka, Kala-madaxbannaanida iyo Isla-xisaabtanka saddexda Gole Qaran (1) Fulinta, (2) Xeerdejinta iyo (3) Garsoorka ee Dastuurku ku dhisnaa. Waa tallaabo ka baxsan Anshaxa Dowladnimo in Gole Sharcidejin oo kalfadhigiisii wata loo baajiyo kulan golaha fulintu ka codsaday waxayna Calaamad iyo Tilmaan u tahay burburka dowladnimo ee xukuumadda maanta dalka hoggaankiisa haysaa gayaysiisay dalkii iyo dadkii Somaliland. Maxaa heshiis lagula galaa oo aad cid kale heshiisyo waaweyn kula galaysaa haddii aad burburinaysid wixii kuu dhignaa? Sidee aad ummadaha kale qiime ugu yeelanaysaa haddii aanad xeer iyo qaanuunka dalkaagu aanuu sarrayn? Hadaad ogeydeen in xukuumaddani hore u burburisay hay’adihii dowladda. Hadaad ogeydeen in ay xorriyaadkii iyo xuquuqdii asaasiga ahayd ku tumatay. Waxaa maanta indhihiinna hor yimid bur urinta qodobyadii dalkani ku dhisnaa ee kala-madaxbannaanaanta laamaha dowladda. Shuruudaha ugu waaweyn ee dal lagula dhaqmo, heshiisyo lagula galo ama lagu maalgashadaa waa KU-DHAQANKA xeerarka iyo jiritaanka nidaam dhisan oo shaqeeya, sarraynta sharciga iyo mudnaanta dastuurka iyo mabaadii’da caalamiga ah ee dowladnimada. Tani waxay meeqaamkeenna dowladnimo ka tuuraysaa haadaan aan laga soo waaqsan sawir xunna ka bixinaysaa hoosaynta fahamka dowladnimo iuo burbur aan laga soo waaqsan. Somaliland difaaceeda ugu weyni waa in la ilaasho wixii dadka ka dhexeeya oo dastuurku kow ka yahay. Xuseen Xasan Salah Qaran News Share this post Link to post Share on other sites