Deeq A. Posted February 11, 2024 Wasiirro Qabtay Shir Lagu Falanqeynayey Ammaanka Hargeysa(Qaran news)-Wasiirrada wasaaraddaha arrimaha gudaha iyo gaashaandhiga JSL, Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo Mudane Rooble Muuse Cabdi, ayaa shir guddoomiyay kulan lagaga arrinsanayay adkaynta nabadgelyada dalka. Kulankan oo ka qabsoomay xarunta guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, waxa ka soo qayb galay taliyayaasha kala duwan ee ciidamada qalabka sida, waxaana intii uu socday lagu gorfeeyay sidii xil iyo waajibaad dheeriya la isaga saarilahaa adkeynta nabadgelyada guud ee dalka iyo in la sameeyo feejignaan. Geesta kale waxa ay masuuliyiinta laamaha amniga dalku bulshada Somaliland ka dalbadeen in ay gacan ku siiyaan ciidamada xoojinta amniga guud ee waddanka Geesta kale waxay masuuliyiinta amniga dalku ku boggaadiyeen bulsha weynta Jamhuuriyadda Somaliland sida ay markasta gacan uga gaystaan sugida amniga iyo ilaalinta Qarannimada. Waxaa sidan lagu sheegay war ka soo baxay xarunta wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, waxaaney u dhigneyd sidan. “Dhinaca kale waxaa shacabka Jamhuuriyadda Somaliland lala socodsiinayaa in ay gacan ku siiyaan laamaha amniga adkaynta iyo xoojinta amniga,iyagoo gacan buuxda siinaya Hay’adda qaabilsan amniga kalana shaqaynaya nabadgelyada, iyadoo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland looga bartay ka shaqaynta nabada iyo gacan siinta Ciidamadooda nabadgelyada.”. Laamaha ammaanka ayaa bilihii u danbeeyay isugu imanayay kulamo lagu dardargelinayo adkaynta nabadgelyada dalka. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites