Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Khasaaraha toogashadii xerada Jeneral Goordon iyo Shabaab oo war yaab leh ka soo saaray

Recommended Posts

Deeq A.   
ciidamada-ciidan-scaled.jpeg?fit=2560%2C

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkii uu caawa fuliyey askari ka tirsanaa ciidankii tababarka ku qaadanayey xerada Jeneraal Goordon ee magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab waxay sheegeen inay beegsadeen taliska saraakiisha Imaaraadka ee gudaha xerada ku yaalla, isla markaana halkaas lagu dilay 17 sarkaal oo isugu jira Imaaraad, Soomaali iyo kuwo kale oo ka socday wadamo kale, lana shaqeynayey Imaaraadka.

Saraakiisha Imaaraadka ah ee halkaas lagu dilay waxay Shabaabku sheegeen inay kala ahaayeen Taliyihii howlgalka Imaaraadka ee koonfurta Soomaaliya, madaxii tababarrada, madaxii sirdoonka iyo madaxii saadka iyo gaadiidka, balse ma jirto xog ka madax banaan warka Al-Shabaab oo cadeyneysa in saraakiishaas ay dhinteen.

Xogaha ka madaxa banaan warka Al-Shabaab ee Caasimada Online ay weerarkaas ka heleyso waxay sheegayaan in askariga toogashada geystay uu ka tirsanaa ciidan dhawaan tababar loogu soo gabagabeeyey xerada Jeneraal Goordon, gaar ahaan unug loo qeybiyey hubkooda oo masuul looga dhigay amniga xerada.

Askariga weerarka fuliyey ayaa ka mid ahaa askartii loo xil-saaray ilaalada amniga xerada, balse wuxuu kaligiis qaatay go’aan uu ku laayey saraakiil iyo askar ku jirtay masjidka xerada oo salaadii maqrib ay ku tukadeen, inkastoo aan la shaacin khasaaraha rasmiga ah, hadana faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya.

Xogta ay Caasimada Online ka heshay weerarkaas waxay sheegeysaa in labo ka mid ah saraakiisha tababarada ee Imaaraadka Carabta lagu dilay weerarka, halka labo kale lagu dhaawacay.

Wararka ayaa sheegaya in askarigii falkaas geystay goor dambe lagu dilay israsaaseyn dhex martay isaga iyo ciidankii uu la tababartay ee masuulka ka ahaa amniga xerada.

Mid ka mid ah saraakiisha la dilay ayaa ahaa Sarkaalkii ugu sareeyay saraakiisha Imaaraadka ee tababarka ka bixiya Xerada Jenaraal Goordon.

Ma cadda inay dhab tahay sheegashada kooxda Al-Shabaab oo weerarkaas ay ku lugleedahay, balse arrintaan ayaa halis ku ah dhismaha iyo tababarrada ku socda ciidamada qaranka, waxayna abuuri kartaa kala shaki weyn.

The post Xog: Khasaaraha toogashadii xerada Jeneral Goordon iyo Shabaab oo war yaab leh ka soo saaray appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this