Sign in to follow this  
Deeq A.

Waxgaradka Awdal oo Digniin Adag u Diray Kooxo Qurbo joog ah oo Fidmo wada

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxgaradka Awdal oo Digniin Adag u Diray Kooxo Qurbo joog ah oo Fidmo wada
IMG-20240210-WA0003.jpg
Hargeysa(Qaran news)- Odayaasha iyo waxgaradka Gobolka Awdal ayaa sheegay in aan dadkooda lagu soo dhex tuuri karin wax ay ugu yeedheen fidmo la yidhaahdo ‘Awdal State’.

Waxgaradka reer Awdal waxa ay sheegeen in dalkoodu nabad yahay oo aanay aqbali karin in mustaqbalka carruurtooda ay burburiyaan koox dibad wareeg ah oo qurbaha ka soo bu’ayaa.

Waxgaradku waxa ay sheegeen in fikirka kooxaha qurbajooga ahi la wareegayaan uu yahay riyo aan soconayn oo ay la dagaalamayaan

“Amni, waxbarashadii Nadaarista iyo jaamacadihii ayaanu gobol ahaan haysanaa ma aqbalayno waxa lala wareegayo iyo inamo carruurtoodii qurbaha geystay inay annaga noo soo heesaan ma aqbalayno,”ayey yidhaahdeen odayaashu.

Waxa kaloo ay sheegeen in cid kasta oo doonaysa inay dumiso dalka ay tallaabo ka qaadi doonaaan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this