Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska Ciidanka Dabdemiska oo Golaha Guurtida uga mahadceliyay Ansixinta Xeerkooda

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska Ciidanka Dabdemiska oo Golaha Guurtida uga mahadceliyay Ansixinta Xeerkooda
IMG-20240210-WA0004.jpg
Hargeysa(Qaran news)-Taliyaha Ciidanka Dabdemiska Qaranka JSL Sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka ciidanka Dabdemiska Qaranka Somaliland wuxuu u mahadnaqayaa Golaha Guurtida JSL oo ay ugu horeeyaan shirgudoonka golaha Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan iyo mudanayaasha golaha oo maanta ansixiyay xeerka Ciidanka Dabdemiska Qaranka JSL oo ah xeer muhiimad gaara u leh Qaranka.

Xeerkan ayaa wax badan ka badali doona habka iyo hanaanka badbaadada waddanka waxaana ku jira shuruuc muhiim u ah ciidanka iyo shacabkaba.

Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland ayaa Taliyuhu si gaara ugu Mahadnaqay oo ay ugu horeeyaan Gudoomiye Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, Gudoomiye ku xigeen Siciid Mire Faarax Giire, ku xigeenka labaad Cali Xaamud Jibriil iyo Xildhibaan Guruuje oo ah Gudoomiyaha Guddida arrimaha Gudaha iyo Amniga iyo Guud ahaan Xildhibaanada Golaha Wakiilada.

Taliyuhu wuxuu sidoo kale u mahadnaqayaa Wasaarada Arrimaha Gudaha JSL oo ugu horeeyo Wasiirka Wasaarada Maxamed Kaahin Axmed iyo masuuliyiinta kale ee wasaarada, sidoo kale wuxuu taliyuhu mahadnaq u diray Golaha Wasiirada oo iyaguna hore u ansixiyay xeerkan.

Dhanka kale Taliyaha ayaa u mahadnaqay Guddida Arrimaha Amniga Golaha Guurtida oo xil gaara iska saaray muddo badana ka shaqaynayay xeerkan.

Ugu dambayn xeerkan ayaa dhaqan gal noqon doona marka Madaxweynuhu Saxeexo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this