Sign in to follow this  
Deeq A.

DF miyaa qorsheynaysa inay weerarto xaafadda Dab-damiska? – Xog

Recommended Posts

Deeq A.   
426870166_866594662173808_25488071183406

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha booliska Soomaaliyeed, Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa xalay kormeer ku tegay xerada ciidamada gaarka ah ee Haramac ee loogu magac-daray Jeneraal Farxaan Qaroole, halkaas oo lagu soo bandhigay tiro kamid ah ciidamada ammaanka.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka qayb qaateen sugidda amniga magaalada Muqdisho, ayna ka hortageen falal liddi ku ah amniga oo ay soo maleegeen Al-Shabaab.

Sulub oo khudbad u jeediyay ciidamada ayaa uga mahad-celiyay sida feejignaanta leh, iyo turida leh oo ay u guteen waajibaadkii ka saaranaa sugidda amniga muwaadiniinta sSomaaliyeed, ayna tusaale u noqdeen ciidamada kale ee ay kala dhaxeyso shaqada ilaalinta nabad-galyada  dalka.

Sidoo kale waxa uu faray ciidamada in ay ilaaliyaan anshaxa iyo xeerarka ciidanka booliska mas’uuliyaddooda koowaadna ay ka dhigtaan ilaalinta badqabka, karaamada iyo nolasha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhibbaneyaasha u ah dhagarta kooxda Al-Shabaab.

Dhinaca kale waxaa dhaq-dhaqaaqan iyo ciidamada lasoo bandhigay ka dhashay shaki xoogan oo ku aadan in loo diyaarinayo inay weerar ku yihiin xaafadda dab-damiska oo ay isku hayaan dowladda iyo shacabka deggan halkaas oo lagu amray inay ka guuraan.

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasaddda gobolka Banaadir Cali Yare Cali oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in ciidamadan la’isugu dabariday, si ay uga qayb qaaataan weerar uu sheegay in dowladda qorsheynayso, si shacabka looga raro halkaasi.

“Dowladdu waxay iska-dubbarideeysaa ciidan xoogleh oo ay qorsheeyneeyso weerarka ay damacsan tahay in ay ku qaado Seeybiyaano” ayuu yiri Cali Yare Cali.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Afar jiho oo ay qorsheeneeyso dowladdu in ay weerarkeeda kasoo qaado ayay ku diyaarineeysaa ciidamo kala ah, milatariga, NISA, Booliska iyo tiro yar oo ka hartay ciidankii burburay ee Haramcad.”

Dhanka kale waxaa arrintan ka dhashay falcelin xoogan oo ay ka sameeyeen qaar kamid ah dadka isticmaala baraha bulshada oo iyaguna sii xoojiyay shakiga laga qabo ciidamadan.

Cabdullaahi Xasan oo kamid ah dadka ka falceliyay ayaa yiri “Waxaa ciidamada loo diyaariyay in dadka shacabkaah lagu barakiciyo”.

Axmed Axmed Xaaji ayaa isna ku jawaabay “Kuwaan Sacad ayaa soo afjari doono”

Cabdisalaan Mustaf ayaa isna shaki ka muujiyay ciidamadan lasoo bandhigay, wuxuuna yirin “Waxbaa soo socda”.

Axmed Saciid oo sheegay inuu ka mid yahay dadka deggan dhulka dab-damiska ayaa yiri “Ciidan aruurso ama meelaha or orod adeer Sebiyaano waa u dhimaneenaa”.

426170834_866594755507132_59788826376625 426226861_866594942173780_53460553384116 426231081_866594865507121_14214844455471 426692744_866594552173819_74802082724067 426870166_866594662173808_25488071183406 427468030_866594512173823_44256085221568

 

 

 

 

The post DF miyaa qorsheynaysa inay weerarto xaafadda Dab-damiska? – Xog appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this