Sign in to follow this  
Deeq A.

Wiil Soomaali ah oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in kooxo budhcad ah oo u dhalatay dalkaas in Xalay wiil Soomaali ah ay ku dileen deegaanka Belville oo ka mid ah deegaanada hoostaga Magaalada Cape town.

Muwaadinka la dilay oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysanayay gaadhi Taxi Uber ah ayaa lagu magacaabi jiray Mohamed Deeq Cabdirashid, Maxamed Awoowe, waxaana dilka marxuumka la sheegay in dableyda ay u adeegsadeen Tooreey, xili ay ka dhacayeen gaadhiga uu watay.

Soomaalida ku nool deegaanada Belville oo dadaalo badan sameeyay ayaa suurtagaliyay in ciidanka Booliiska dalkaas ay gacanta kusoo dhigaan budhcada ka dambeysay dilka wiilka Soomaaliyeed.

War kooban oo kasoo baxay Booliiska dalkaas ayaa lagu sheegay in budhcada ay haatan ku jiraan gacanta Booliiska, islamarkaana la horgeyn doono maxkamada.

Dalka Koonfur Afrika waxaa inta badan ka dhaca dilalka iyo dhaca loo geysto dad Soomaalida ee ka dhex shaqeysta dalkaas.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this