Sign in to follow this  
Deeq A.

Guurtida oo Ansixisay Xeerka Ciidanka Dabdamiska

Recommended Posts

Deeq A.   

Guurtida oo Ansixisay Xeerka Ciidanka Dabdamiska

Hargeysa(Qaran news)- Golaha Guurtida oo hadda ansixiyay xeerka Ciidanka Dabdamiska iyo Samata-bixinta Xeer Lr.106/2023.

Fadhigan ay ku ansixinayeen Xeerka Dab-damiska ayaa waxa ka soo xaadiray 72 Mudane, kaasi oo uu shir-gudoominayay gudoomiyaha golaha guurtidda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan.

Golaha guurtida ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xeerkan Dab-damiska codaytii ayaa waxay u dhacday sida tan:-

Fadhiga waxa ka soo xaadiray 72 Xildhibaanada
Waxa diiday 4 Xildhibaan
Cid ka aamustay ma ay jirin
Gudoomiyuhuna ma codaynin, sidaasi ayuu ku ansaxay Xeerka Dab-damiska iyo Samata-bixinta.

Geesta kale goluhu wuxuu u ballamay gudogalka xeerka Ciidanka Qaranka Somaliland.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this