Sign in to follow this  
Deeq A.

Natiijada doorashada dalka Pakistan oo weli si weyn loo sugayo

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1707548189326.jpg?resize=720%2C40

Doorasho isha lagu wado hayo ayaa ka socota Pakistan, in kastoo si la arki karo wax isdaba-marin iyo boob uu ka jiro deegaannada qaar haddana, ma jirto cid si cad u sheegi karta guul, sababto ah tirinta cododka ayaa wali socota.

Natiijooyinka 24 kursi ayaa weli ah kuwa harsan,waxaana jira sheegis guul oo ay si hordhac ah u sheeganayaan xisbiyada.  Musharixiinta uu taageeray xisbiga ra’iisul wasaarihii hore,  Imran Khan ee Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI)  ayaa u muuqda inay yihiin kuwa ugu cad cad. Musharixiinta ay taageerto PTI ayaa ilaa hadda ku guuleystey 98 kursi oo ka mid ah 266 kursi ee Golaha Qaranka, taas ka dhigtay kuwa ku horreeya, waxaana ku xiga oo kaalinta labaad ku jira xisbiga Pakistan Muslim League-Nawaz (PMLN), oo uu hoggaamiyo, Nawaz Sharif oo illaa hadda heysta 67 kursi.

Eedeymo la xiriira wax is daba marin iyo faragelin lagu sameeyay goobaha cod bixinta ayaa aad ugu batay goobjoogayaasha. Xisbiga Imran Khan ee PTI ayaa sidoo kale sheegtay in qaar ka mid ah guulihii ay musharixiintoodu gaareen si khaldan loogu rogay guul-darro.

Inkastoo uu aad uga hooseeyo kuraasta uu ku guuleystay, hoggaamiyaha PMLN, Nawaz Sharif oo horey usoo noqday Ra’iisul wasaare ayaa maanta khudbad ka jeediyay Lahore, halkaas oo uu kaga dhawaaqay ‘guul’ oo uu ku andacoonayo in xisbigiisu uu ku guuleystay xilka ugu weyn.

Shariif wuxuu qiray in guulaha xisbigiisa aysan ku filneyn inuu soo dhiso dawlad. Wuxuu xisbiyada kale ku boorriyay inay wada fadhiistaan ​​si ay u ” bogsiiyaan waddan dhaawacmay “.

Saacado ka dib, xisbiga Imran Khan ee PTI waxa ay sii daayeen “khudbad guuleed” oo iyaga u gaar ah, muuqaal loo adeegsaday hannaanka AI oo lagu soo muujiyay Imran Khan, kaas oo xiran tan iyo bishii Agoosto ee sannadkii hore. Khan wuxuu ugu yeeray Sharif “Nin daciif ah” wuxuuna sheegay in qof Pakistani ah uusan aqbali doonin sheegashadiisa guusha.

Goor dambe oo fiidkii ah, Bilawal Bhutto-Zardari, oo ah guddoomiyaha xisbiga Pakistan People’s Party, oo ilaa hadda ku guuleystay 51 kursi, ayaa gaaray Lahore isaga iyo Aabbihiis Asif Ali Zardari si ay kulan ula qaataan hoggaanka PMLN.

Ugu yaraan 134 kursi ayaa loo baahan yahay si loo helo aqlabiyad Golaha Shacbiga ee lagu soo dhisi karo xukuumadda.

PUNTLAND POST

The post Natiijada doorashada dalka Pakistan oo weli si weyn loo sugayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this