Sign in to follow this  
Deeq A.

Waxaan ahay”(Taxi-siile) Laakiin ma tegi karo daantaa kale. W/Q: Cali Biixi

Recommended Posts

Deeq A.   

“Waxaan ahay”(Taxi-siile) Laakiin ma tegi karo daantaa kale. W/Q: CaliBiixi

wuxuu ii sheegay in ay jirto dhibaato aanu isagu geysan…

Waxa jira dhibaatooyin badan oo bulshada haysata , waxaana jirta dhibaatooyin aanu qofku gaysan, laakiin uu naftiisa ku waayi karo , sida aargoosiga oo kale .

Waxan telefoon u diray shirkadda tagaasida , waxaan ka codsaday inay ( taxi) ii soo diraan , markuu (taxi ) siilihii ii yimi , ayaan waxaan ka codsaday inuu daanta kale igeeyo , wuxuu ii sheegay inaanu tegi karayn daantaa kale ee magaalada , laakiin wuxuu ii dalban doonaa (taxi) kale oo igeeya ,

Laakiin waxaan su’aalay ,
oo weydiiyay oo ku celceliyay sababta aanu u tegi karayn daanta kale ee magaalada
mar haddii uu yahay (taxi) siile ?

wuxuu ii sheegay in ay jirto dhibaato aanu isagu geysan laakiin nin ay isku qolo yihiin uu geystay .

Waxaan weydiiyey bal inuu ii sii faah-faahiyo ?
Wuxuu ii sheegay in nin ay isku hayb (qolo) yihiini dilay nin kale oo ah qolada daantaa kale degta ?

Arinkii aad buu iiga yaabiyay , hadana waxaan weydiiyay , arintu goorta ay dhacday ?

Wuxuu ii sheegey , inay beri hore dhacday laakiin aanay ilaa iyo iminka dhamaan , sababtoo ah qoladii ninka laga dilay weli may samrin ,

in kasta oo ay magtii qaateen , laakiin weli waxay ku taamaan , wallee ma ledno ilaa iyo inta aanu inan- kayagii u aarayno .

Waxaan ninkii waydiiyay : miyaad wax lug ah ku lahayd arinkan ?

Wuxuu ii sheegay inaanu ogayn-ba goorta ay dhacday , qurbahana uu ku maqnaa .
Wuxuu kale oo ii sheegay in uu yahay nin xoogiisa maala ,
oo qoys balaadhan u xoog sada , laakiin arintan oo kale dhibaato weyn ayay ku haysaa , isaga iyo qaar kale oo la mid ahba .

Hadaba dhibaatooyinka sidan oo kale ah ee aarka ku lug leh , ee qof aan waxba gaysan loo dilayaa ama loogaga aarayaa qof aan lug iyo raad toonna ku lahayn .

Miyaanay khalad ahayn ?
Ilaa iyo goormay arimaha sidan oo kale ahi sii soconayaan ?

Waa inaynu diinta baranaa ,
waa inaynu dawladnimada baranaa , waa inaynu dadnimada baranaa .

Waa in qofku waxa uu geysto isaga laga jaraa , oo aan qof-kale oo aan waxba ka ogayn laga jarin , wax aanu isagu geysan.
Arinkanu waa mid ka mid ah dhibaatooyinka bulshada haysta , waxaan ahay (taxi) siile laakiin daantaa kale ma tegi karaayo , ma wax caqliga galaa ? magaalada badhna waan tegi karaa , badhna ma tegi karo .

Sirdoonka leexsan ayaa iminkana ku soo darsamay , oo haday doonaan gaadhiga kaa qaadaaya, ama iska kaa xidhanaaya.

Cali BIIXI

somal.calibiixi@gmail.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this