Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Askar ka tirsan DF oo dishay wiilal kufsi ka difaacayey walaashood iyo Xaadoole oo ku hanjabay …

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_7969.jpeg?fit=1284%2C723&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Labo askari oo ka tirsan ciidankii lagu soo tababaray dalka Eritrea ayaa xalay saqdii dhexe ka baxay xerada Hiilweyne ee duleedka Muqdisho, kuwaas oo fal argagax leh u geystay qoys deganaa inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad.

Raggaas ayaa doonayey inay kufsadaan gabar u joogtay reerka, balse waxaa ka difaacay seddax wiil oo gabadha la dhalatay, kuwaas oo mid kamid ah labadii askari ii toogtay.

Labo wiil oo walaalo ah ayaa halkaas ku geeriyootay, halka mid kale uu dhaawac halis ah soo gaaray, intaas kadibna waxaa goobta isaga baxsaday askartii falkaan geystay.

Wiilasha la laayey waxay ahaayeen shacab oo hub ma aysan wadan, balse askartaan hubeysan ayey isku dayeen inay ka difaacdaan walaashood, si aysan u kufsan, sidaas ayey ku badbaaday gabadhii wiilashiina ku dhinteen.

Dad badan oo isugu jiray ehelkii wiilasha iyo xildhibaan Xaadoole oo qoyskaas ku metela golaha shacabka ayaa isugu tegay maanta goobtii uu xalay falkaasi ka dhacay.

Xaadoole ayaa sheegay in falkaan aysan raali ka aheyn dowladda Soomaaliya, isla markaana uusan ka hari doonin oo sharciga uu horjeeni doonin raggii dilay wiilashiisa ee galay xerada ciidamada xooga dalka ee Hiilweyne.

Deegaanka uu falkaasi ka dhacay waxaa lagu magacaabaa Carafaag, wuxuu u dhowyahay xerada ciidamada ee Hiilweyne oo ku taalla inta u dhaceysa Muqdisho iyo Balcad, welina lama aasin meydadka wiilashii uu dilay askarigaas.

Xildhibaan Xaadoole ayaa dadka kula hadlay deegaankii uu falkaasi ka dhacay wuxuu dadkiisa ka dalbaday inay is dejiyaan, isagoo cadeeyey in falkaas aysan dowladda iyo taliska ciidanka xoogga dalka aysan raali ka aheyn, isla markaana lagu wada xisaabtami doono wixii dhacay.

Hoos ka daawo

The post Daawo: Askar ka tirsan DF oo dishay wiilal kufsi ka difaacayey walaashood iyo Xaadoole oo ku hanjabay … appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this