Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u danbeeyay khasaaraha dagaalkii galbeedka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1707496376248.jpg?resize=720%2C54

In ka badan 20 ruux oo ka kooban dhinacyadii dagaallamay ayaa ku dhintay dagaal aad u xooggan oo maanta laba ciidan beeleed ku dhexmaray degaanka Jiic-boor ee galbeedka gobolka Mudug.

Dad kor u dhaafaya 40 ruux ayaa sidoo kale lagu soo warramaya in ay ku dhaawacmeen dagaalka oo saacado badan socday islamarkaana makhribkii galabta istaagay sida ay sheegayaan warar madax-bannaan.

Dagaalka ayaa dhexmaray laba ciidan beeleed oo ka soo kala jeeda Galdogob iyo Bandiiradley waxaana la sheegay in uu bilowday kadib markii maleeshiyaad ka yimid dhinaca Bandiiradley ay af-duubteen dad maato ah oo hal qof oo haweeney ah iyo carruur ay dhashay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ay jiraan maxaabiis dhaawacyo ah oo laga qabtay maleeshiyaadkii ka yimid dhinaca Bandiiradley waxaana goobihii lagu dagaallamay hadda gacanta ku haya ciidamada degaanka Galdogob.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u danbeeyay khasaaraha dagaalkii galbeedka Mudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this