Sign in to follow this  
General Duke

PM and delegates arrive in Hiiraan on a working visit: PICS

Recommended Posts

BALADWEYNE: Wafdi uu hoggaaminayo Prof. Cali Maxamed Geeddi oo gaaray Magaalada Baladweyne laguna wado inay kulammo kula....

Posted to the Web Jun 10, 13:10

 

 

Baladweyne (PP) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan, waxaana halkaas si diirran ugu soo dhaweeyay xubnaha dowladda ee halkaas ku sugan iyo dadweyne fara badan.

 

 

 

Wafdiga Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Geeddi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ka mid ah; Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmodheere) iyo xubno kale oo fara badan oo ka tirsan labada gole ee Dowladda.

 

 

Socdaalka wafdigaan ayaan si dhab ah loo garanayn waxaase warar iskhilaafsan oo soo baxaya ay sheegayaan in socdaalkaan uu salka ku hayo isqabqabsi xooggan oo soo kala dhexgalay maamulka ka jira gobolka Hiiraan oo maalmihii ugu dambeeyay is dhaaf-dhaafsanayay erayo kul-kulul.

 

 

 

Xiliga ay ku beegmeen wafdigaan Magaalada Baladweyne ayaa ah wafdi uu ku sugan yahay Magaaladaas C/kariim Faarax Laqanyo oo ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Ethiopia, isla markaana ah Wakiilka Soomaaliya ee Ururka Midowga Afrika, waxaan lagu wadaa inay kulammo ku qaataan Baladweyne.

 

 

 

Warar kale ayaa waxay sheegayaan in sababta dhabta ah ee ay xubnahaan uu hoggaaminayo Prof. Cali Maxamed Geeddi ay la xiriirto sidii ay ugu tacsiyeyn lahaayeen ehelladii uu ka dhintay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan oo gallinkii dambe ee Jimcaha ku geeriyooday Nairobi, isagoo 99-jir ah; maadaama ay ka mid yihiin guddiga Qabanqaabada Aaska Qaran ee Marxuumka.

 

 

 

Lama garanayo illaa hadda sababta dhabta ah ee keentay in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaana wararku sheegayaan in lagu wado in isla maanta uu dib ugu soo laabto Magaalada Muqdisho, dabadeedna uu faahfaahin ka bixiyo safarkaas gaaban ee uu ku tagay Baladweyne.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: Jantiile@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdi Uu Hogaaminayo Geedi Oo Gaaray Mag. Baladweyne

 

Muqdisho(Calanka.com) 10-Jun-2007

 

Ra`iisal wasaaraha Somaliya mudane Cali Maxamed Geedi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

 

Wafdiga ra`iisal wasaaraha oo ka mid ahaa wasiir ku xigeenka G/dhigga Somaliya mudane Salaad Cali Jeelle iyo wasiirka arimaha gudaha mudane Maxamud Maxamed (Gacmo Dheere) ayaa waxaa kusoo dhaweeyay garoonka Baladweyne safiirka Somaliya u fadhiya Itobia mudane C/Kariin Laqanyo iyo xubno kale.

 

Socdaalka wafdiga ayaa la sheegay in uu ku saabsan yahay wadahadal ey lasoo yeelanayaan madaxda gobolka Hiiraan, waxaana uu mudane prof. Cali Geedi isla maanta tababar uga furay xero lagu uruuriyay ciidamo gaaraya ilaa 500 oo askari.

 

Ra`iisal wasaaraha ayaa qudbad dheer u jeediyay ciidamadii tababarka uu u furayay ayaa u badneyd amaan uu u jeedinayay ciidamadaas oo ah kuwii dagaalka kusoo qaaday ururkii Maxakamadaha Islaamka isla markaana ka xoreeyay dalka, waxa uuna intaa ugu daray in tababarkan cusub ey ku heli doonaan qibrad dheeraad ah oo ku aadan dhinaca sugidda amaanka.

 

Mar uu sidoo kale la hadlay mudane Geedi masuuliyiin ka tirsan gobolka ayaa waxa uu sheegay in dalka Somaliya uu leeyahay cadow badan oo soo adeegsada dad muuqaalka somali ka ah oo ku gabada diin marmarna qabiil, waxa uuna intaa ku daray Geedi in ey cidna uga heybadsaneynin la dagaalanka iyo cirib tirka kooxahan cadowgu soo adeegsado.

 

Wafdiga mudane Geedi ayaa lagu wadaa in ey dib ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho kadib booqashadooda.

 

 

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Prof. Geeddi iyo wafdigii uu horkacayey oo ka degay garoonka dayuuradaha Ugaas khaliif, si weyna loogu soo dhoweeyey gudaha B/weyne

 

Ra’isul wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa barqanimadii maanta ka degay garoonka dayuuradaha Ugaas Khaliif oo ku yaala duleedka magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan halkaasoo ay si diiran ugu soo dhoweeyeen xubnaha maamulka gobolka, safiirka Soomaaliya u fadhiya Addis ababa iyo xoogag ka kala socday ururada bulshada rayidka ah ee ku dhaqan magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan.

 

Ra’isul wasaaraha iyo wafdigiisa oo ay ka mid ahaayeen wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Max’uud Guuleed Gacmadheere ayaa markiiba u dhaqaaqay dhinaca xerada tababarka ciidamada ee Ceelgaal, Halkaasoo uu tababar uga furay boqolaal askari oo ka mid noqon doona ciidamada dowladda Soomaaaliya.

 

Khudbad uu munaasabadii furitaanka tababarkaasi ka jeediyey ra’isul wasaare Geeddi ayaa sheegay inuu si aad ah ugu faraxsan yahay booqashada u maanta ku tegay B/weyne oo uu tilmaamay iney tahay mid taariikhi ah, isagoo uga mahad celiyey dadweynaha reer B/weyne sidii diiraneyd ee ay u soo dhoweeyeen isaga iyo wafdigiisa Wuxuuna ku dheeraaday Prof. Geeddi amaanta magaaalada B/weyne oo uu tusaale u soo qaatay madaxweynihii geeriyooday ee Aadan Cabdulle Cisman (Aadan Cadde) iyo xubno kale oo ka mid ahaa ururkii xornimadoonka ee SYL in dhamaantood ay ahaayeen kuwo ka soo jeeda gobolka Hiiraan, wuxuuna sidoo kale ka hadlay qorsheyaasha dowladiisa ee ku aadan nabad ku soo dabaalida dalka, dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska, isagoo ciidamada tababarka uu maanta u furnayna u rajeeyey iney si wanaagsan uga faa’iideystaan duruusta ay qaadan doonaan bacdamaa ay sugeyso howl Qaran sida uu yiri.

 

Ra’isul wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo wafdigiisa ayaa u gudbay gudaha magaalada B/weyne, isagoo xarunta gobolka ee magaaladaasina kulamo kala duwan kula qaadanaya xubnaha maamulka gobolka, ururada bulshada iyo odayaasha dhaqanka ee beelaha gobolkaasi dega, iyagoo ka wada hadlaya sidii dowladda federaalka iyo dadka deegaankaasi ay isaga kaashan lahaayeen horumarka gobolka iyo wax ka qabashada arimo ay ka mid yihiin nabadgelyada, lamana oga in ra’isul wasaaruhu uu fara gelin ku sameyn doono sidii loo xalin lahaa khilaaf iyo mad-madow dhowaanahanba ku kala dhex jiray xubnaha maamulka ee gobolkaasi, mana cada iney caawa ku negaan doonaan magaalada B/weyne iyo iney isla galabtaba dib ugu soo laaban doonaan magaalada Muqdisho.

 

 

Xafiiska wararka ee Muqdisho, Somalia

dayniilecom@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Rumours has it that B/weyne is about to abort the TFG - they are unhappy with the officials appointed by Geedi.

Geedi's presence in there today was to show support to the new admin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ok, this visit was a short one to meet with the admin, the Ugas and to start training programm for the local armed forces numbering nearly 2000.

 

They gained a huge welcome, no rumour and it is even posted in Dayniile.com fans of Geedi I guess.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by The Duke:

Ok, this visit was a short one to meet with the admin, the Ugas and to start training programm for the local armed forces numbering nearly 2000.

Horta why do you get irky and quote 'xadiisyo' been ah..every time a surfacing issue is mentioned.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra'isalwasaaraha dowlada Soomaaliya iyo wafti uu hogaaminayo oo gaaray magaalada Baladweyne

 

Ra'isalwasaaraha,dowlada Soomaaliya Cali Maxamed Geed iyo wafti uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan,iyadoo waftigi Ra'isalwasaaraha siweyn loogu soo dhaweeyey magaalada Baladweyne goob fagaara ahna kala hadlay dadweynaha reer Baladweyne isagoo ugu baaqay.

 

in ay ilaaliyaan nabada oo ay ka soo horjeestaan kooxaha qaska ka wada dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ee xaasimada dalka Soomaaliya, isagoo Cali Maxamed Geedi intaasi ku daray in dadweynaha reer Baladweyne ay taageeraan maamulkooda iyo dowlada Soomaaliya si ay u heleen Nabad,Hormar,iyo in loo dhiso magaaladooda.

 

Safarka Ra'isalwasaaraha Soomaaliya ee magaalada Baladweyne waxaa ku weheliya,Wasiirka Arimaha Gudaha dowlada Soomaaliya,Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacamadheere),wasiir kuxigeenka gaashaandhigga, Salaad Cali Jeelle, iyo xubno kale.

 

Waxaa lagu wadaa in waftiga Cali Maxamed Geedi ay kulan la yeeshaan maamulka gobolka iyo kan degmada,iyagoo kala hadli doona khilaafyo soo kala dhexe galay masuuliyiinta dowlada Soomaaliuya ay usoo magacawday gobolka Hiiraan.

 

Maalmihii ugu danbeeyey waxaa kusugnaa magaalada Baladweyn ee xarunta Gobolka Hiiraan,Saraakiil Ethiopian ah iyo C/kariim Faarax Laqanyo , oo ah safiirka Ethiopia u fadhiya dowalda Soomaaliya kuwaasoo, u go gol xaarayey safarka Cali Maxamed Geedi uu ku imaan lahaa magaalada Baladweyn.

 

lama oga inta uu Prof:Cali Maxamed Geedi ku sugnaan doono magaalada Baladweyn ee xarunta gobolka Hiiraan,iyo in uu socodaal kale oga gudbi doono qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this