Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqriso: Magacyada iyo qabiillada ay ka soo jeedaan 10 safiir oo cusub oo la magacaabay

Recommended Posts

Deeq A.   
Calan-DF-Somalia-Coat-scaled.jpeg?fit=25

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online waxay heshay magacyada qabiilada ay ka soo kala jeedaan 10-ka Safiir ee maanta ay magacaabidooda anxisiyeen golaha wwsiirrada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Shan ka mid ah 10-kaan safiir waxay ka soo jeedaan beelaha Daarood, gaar ahaan Majeerteen iyo Ogaadeen, labo ka mid ah waa Mogadishu Clan, labo kale waa Dir, halka kalena waa beelaha shanaad.

Hoos ka akhriso magacyada safiirrada cusub iyo beelaha ay ka soo jeedaan:

1. Cabdicasiis Maxamuud Maxamed (Farabadane) waa Daarood Majeerteen.

2. Cali Cabdi Awaare, waa Daarood Majeerteen.

3. Cabdullaahi Maxamed Sheekh Cabdullaahi, waa Daarood Majeerteen.

4. Bashiir Xasan Xaaji, waa Daarood Sool clan.

5. Xuseen Cabdi Xalane, waa Daarood Ogaadeen.

6. Khadiija Cosoble Cali, waa Mogadishu Clan Abgaal.

7. Fathudin Cali Maxamed, waa Mogadishu Clan Xawaadle.

8. Khadra A Dualle, waa Dir Isaaq.

9. Ridwan Xirsi Maxamed, waa Dir Isaaq.

10. Cali Maxamed Abuukar (Ali Wolf), waa beelaha 5-aad Banaadiri.

Safiirradaan weli si rasmi ah looma shaacin wadamada loo kala dirayo oo ay ka howlgeli doonaan, balse maanta waxaa liiskooda la keenay shirkii golaha wasiirrada, halkaas oo lagu ansixiyey magacaabistooda.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac, ayaa shir guddoomiyey kulankii maanta lagu anxisiyey safiirradaan cusub, wuxuuna sheegay inay ka howlgeli doonaan qaar kamid ah dalalka caalamka ee aan wadaagno xiriirka Diblumaasiyadeed.

Sidoo kale kulankii maanta waxaa lagu meelmariyay Habraaca Dhaqangelinta Xakameynta Hubka, Rasaasta iyo Waxyaabaha Qarxa, taas oo lagu xakameynayo dhibaatooyinka ay sababaan hubka iyo qaraxyada sida sharci darrada ah loo adeegsado.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, dib-u-habeynta dhakhliga, xogta heshiisyada dowladda iyo cayaarahii Dowlad goboleedyada dalka oo dhawaan si guul ah ugu soo ku soo idlaaday Muqdisho.

  

The post Aqriso: Magacyada iyo qabiillada ay ka soo jeedaan 10 safiir oo cusub oo la magacaabay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this