Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Soomaaliya iyo Turkiga oo maanta saxiixday heshiis difaac oo cusub

Recommended Posts

Deeq A.   
417446018_865746398925301_16214603515580

Istanbul (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa maanta heshiis cusub oo taariikhi ah ku gaaray magaalada Istanbul ee dalkaasi.

Heeshiiskan ayaa taabanaya dhinacyada difaaca iyo dhaqaalaha, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda federaalka.

Soomaaliya ayaa waxaa heshiiskan u saxiixay wasiirka difaaca, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jamaac) oo booqasho ku tegay Istanbul, kaas oo la kulmay dhiggiisa Turkiga.

“Wasiirada Difaaca Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday Heshiis muhiim ah oo ku saabsan Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ka dib booqasho rasmi ah oo uu dalka Turkiga ku tagay Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxaxed Nuur” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ujeedka heshiiskan ayaa ah mid sare loogu sii qaadayo iskaashiga labada dal oo haatan ah mid xoogan, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Turkiga ayaa ah dalka koowaad ee taageerada ugu badan siiyo dowladda federaalka, wuxuuna ka qayb qaataa dib u dhiska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale heshiiskan ayaa yimid xilli muhiim ah oo ay ciidamada Soomaaliyeed ay dagaal adag kula jiraan maleeshiyada Al-Shabaab, kaas oo dhul ballaaran lagu xoreeyay.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa taageero caalami ah u raadineyso ciidamada Xoogga dalka, si ay guul uga soo hooyaan halganka adag ee ay ugu jiraan xoreynta dalka oo dhan.

417412408_865746402258634_70699420549467 417446018_865746398925301_16214603515580 417491268_865746302258644_28118266645386 417524241_865746285591979_46357293707446 418150992_865746288925312_37830719607288

The post Sawirro: Soomaaliya iyo Turkiga oo maanta saxiixday heshiis difaac oo cusub appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this