Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisaabiyaha Guud ee Uganda oo Qaabilay Wefti ka socday Xafiiska Xisaabaadka Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Xisaabiyaha Guud ee Uganda oo Qaabilay Wefti ka socday Xafiiska Xisaabaadka Somaliland
IMG-20240208-WA0012.jpg

Hargeysa(Qaran news)-Xisaabiyaha guud ee dalka Uganda Lawrence Semakula ayaa kulan la qaatay saraakiil ka tirsan xafiiska xisaabiyaha guud ee Somaliland oo safar shaqo iyo aqoon-korodhsi ku jooga magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Saraakiishan oo uu hoggaaminayo ku-xigeenka xisaabiyaha guud ee Somaliland keyse Muxumed Cabdillaahi ayaa inta ay safarka shaqo ku jiraan waxa ay kulammo khibrad wadaag ah la yeelaan doonaan masuuliyiin ka tirsan xafiiska xisaabiyaha guud ee dalka Uganda. Waftigan ayaa Kulammada inta ay joogaan qaadan doonaan waxa ka mid ah maaraynta iyo maamulidda maaliyadda dawladda iyo barnaamijyada casriga ah ee lagu horumariyo xisaabaadka iyo maaliyadda dawladda.

Waftiga somaliland waxa si diirran magaalada Kampla ugu soo dhaweeyay madaxa siyaasadda, qorshaynta iyo adeegyada maaliyadda ee dalka Uganda, isaga oo waftiga warbixin kooban ka siiyay hannaanka uu u shaqeeyo xafiiska maaraynta Maaliyadda qaranka (PFM) ee dalka Uganda iyo is-bedellada ay wadaan.

Saraakiisha Somaliland ee xafiiska xisaabiyaha guud ayaa muddo 10 cisho ah joogi doona dalka Uganda, iyada oo la filayo in aqoonta ay halkaa kala soo noqdaan ay kor u qaadi doonto sidii ay Somaliland u dabbaqi lahayd is-bedellada lagu samaynayo maamulka maaliyada qaranka ee la xidhiidha xisaabaadka iyo shaqooyinka kale ee xafiiska xisaabiyaha guud.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this