Sign in to follow this  
Deeq A.

Lafta-gareen oo shaaciyay cidda ka dambeysa dagaalka Buurhakaba

Recommended Posts

Deeq A.   
Lafta-gareen.jpeg?fit=2048%2C1364&ssl=1

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo hadal ka jeediyay magaalada Baydhaba ayaa si adag uga hadlay dagaal beeleedka kasoo cusboonaaday degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Lafta-gareen ayaa sheegay in dagaalka uu u dhexeeyo laba ******** oo huwan magac qabiil, ayna doonayaan inay dhibaato ka gaystaan degmadaasi.

“Qabiil isma dagaalsanee laba ******** oo laba bah ah waayay waxa is haysta” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay in labada dhinac ee dagaalamaya inay adeegsanayaan Al-Shabaab iyo dad kale oo leh dano gaar ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Nasiib darro aad u wayn waayay waxaan waligay maqlayna ma aha, waana dareemi karaa daruufta keentay dad dhalinyaro ah oo qori haysta oo nin walbaba uu isticmaalaayo oo Shabaabka uu isticmaalaayo oo kan xumaanta rabo uu isticmaalaayo inay maanta intay dad shacab ah dhexdiisa isu galaan is xabadeeyaan nasiib darro ayay tahay” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay kooxda Al-Shabaab, oo uu ku eedeeyay inay ka dambeyso dagaalka ka socda halkaasi.

“Dad mabda’a ay ku dagaalaayaan iyo waxa ay isku haayaan aan la garaneynin oo runtii ay soo adeegsadeen Shabaab waayay” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu yiri ‘Eelaay oo aan islahayn Mirifle dhan ayuu ugu ilbaxsan yahay in maanta oo la joogo 2024-ta uu is dagaalo waa wax ceeb ah”.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in maamulkiisa uu ka hortagi doono xiisaddaas, isla markaana uu tallaabo ka qaadi doono dadka ka dambeeyay dagaalkaasi.

The post Lafta-gareen oo shaaciyay cidda ka dambeysa dagaalka Buurhakaba appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this