Deeq A. Posted February 8, 2024 Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodi toddobaadlaha ahaa ku ansixiyay 10 Safiir oo Soomaaliya uga howlgeli doona qaar kamid ah dalalka caalamka. Safiirrada la magacaabay waxa ay kala yihiin: 1. Cabdicasiis Maxamuud Maxamed (Farabadane)2. Cabdullaahi Maxamed Sheekh Cabdullaahi3. Cali Cabdi Awaare4. Cali Maxamed Abuukar (Ali Wolf)5. Bashiir Xasan Xaaji6. Fathudin Cali Maxamed7. Xuseen Cabdi Xalane8. Khadiija Cosoble Cali9. Khadra A Dualle10. Ridwan Xirsi Maxamed Kulanka Golaha oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa sidoo kale lagu meelmariyay Habraaca Dhaqangelinta Xakameynta Hubka, Rasaasta iyo Waxyaabaha Qarxa, taas oo lagu xakameynayo dhibaatooyinka ay sababaan hubka iyo qaraxyada sida sharci darrada ah loo adeegsado. Shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, dib-u-habeynta dhakhliga, xogta heshiisyada dowladda iyo cayaarahii Dowlad goboleedyada dalka oo dhawaan si guul ah ugu soo ku soo idlaaday Muqdisho. PUNTLAND POST The post Golaha Xukuumadda Soomaaliya oo ansixiyay 10 Safiir appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites