Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo ka gadoodsan mushaar la’aan oo la wareegay saldhiga dhexe ee Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG-20240208-WA0000.jpg?resize=1000%2C56

Ciidamo ka tirsan Booliska Puntland oo mushaar la’aan ka gadoodsan ayaa xirtay saldhiga dhexe ee caasimadda Garoowe.

Ciidanka gadoodsan ayaa guud ahaan joojiyay dhammaan shaqadii ka socotay saldhiga dhexe ee Garoowe waxaana la sheegay in ay dalbanayaan mushaar ka maqan dhawr bilood.

Saraakiil ka tirsan ciidanka gadoodsan ayaa sheegaya in aysan wax mushaar ah qaadan in ka badan 9 bilood islamarkaana aysan garanayn sababta loo siin waayay mushaarka iyo xuquuqda ka maqan.

Gadoodka ciidamada ka cabanaya mushaar la’aanta ayaa muddooyinkii danbe ku soo badanaya degaannada Puntland iyadoo sidaan oo kale shalay ka dhacday Boosaaso.

PUNTLAND POST

The post Ciidamo ka gadoodsan mushaar la’aan oo la wareegay saldhiga dhexe ee Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this