Sign in to follow this  
Deeq A.

Awdal State oo ka dagaalami doona qorshaha Muuse Biixi oo lagu dhawaaqay

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_7950.jpeg?fit=1180%2C724&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadka ka soo jeeda gobolka Awdal ee waqooyiga Soomaaliya ayaa maanta ku shiray magaalada Muqdisho, iyagoo ku dhawaaqay maamul ay ugu magac-dareen Awdal State oo ka madax-banaan Somaliland.

Prof. Cabdisamad Ibaraahim Nageeye oo sheegtay madaxweynaha Awdal State ayaa khudbad ka jeediyey xafladii maanta lagu qabtay Muqdisho, isagoo sheegay inuu la dagaalami doono maamulka Muuse Biixi.

Wuxuu sheegay in Soomaalinimadu ay ka go’antahay dadkiisa reer Awdal, gumeysina aysan hoos tegi karin, haatana ay diyaar u yihiin inay ka dagaalamaan dulmiga Muuse Biixi.

“Waxaan balan qaadeyna in aan dagaalami doono, kaliya waxan idinka rabnaa Soomaaliyey inaad nagu garab istaagtaan, anaga ayaa diyaar u ah inaan u dhimano dhulkeena,” ayuu yiri Madaxweynaha Awdal State Prof. Cabdisamad Ibaraahim Nageeye.

Sidoo kale wuxuu dadka Soomaaliyeed ee degan koonfurta aad ugu amaanay wadaniyadda iyo dhiigga ku jira, maadaama ay aad uga hor imaadeen qorshaha Muuse Biixi uu ku iibsaday badda Soomaaliya.

Hoos ka daawo

The post Awdal State oo ka dagaalami doona qorshaha Muuse Biixi oo lagu dhawaaqay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this