Deeq A. Posted February 7, 2024 Sharciga Maxaa Loo Sameystay ? In La Fuliyo . (Cali Biixi ) Sheeko xikmad leh Macalinkii Dhigaayay Maadada Qaanuunka Ayaa Soo Galay Dugsigii (Kalaskii) Uu Muxaadarada Ka Jeedinaayay. *Arday Ayuu Ku Yidhi : Magacaa? *Ardaygii Ayaa Magaciisii Sheegay . *Macalinkii (Bax) Ayuu Ardaygii Ku. Yidhi . *Ardaygii : Waayo Maxaan Sameeyay? *Macalinkii Hadana (Bax) Ayuu Ku Yidhi . *Ardaygii Waxa Uu Tijaabiyay , In Uu Isdifaaco , Laakiin Macalinkii , Waxa Uu Ku Adkaystay, In Uu Ardaygii Ka Eryo Muxaadaradii. *Ardaygii Wuu Iska Baxay , Isaga Oo Dulmi U Arka Waxa Uu Sameeyay Macalinku . Ardaydii Kale Oo Dhammi Way Iska Aamusnaayeen ,Oo Arday Qudha Oo Ka Hadlay Ma Jirin . Waxa Uu Bilaabay Macalinkii In Uu Deriskii Ardaydii U Bilaabo , Oo Waydiiyo Wax . Waxa Uu Waydiiyay: *Maxaa Sharciga Loo Sameeyay? Oo Maxaynu Sharciga U Dhiganay ? *Arday Ayaa Ku Jawaabta: In Bulshada Lagu Ilaaliyo . *Arday Kale Ayaa Ku Jawaabay : In Dadka Lagu Maamulo . *Arday Kale Ayaa Ku Jawaabay : In Aan Dadku Isu Xoog Sheegan. Oo Ka Xooga Weyni , U Xoog Sheegan KaLiita. * Macalinkii Ayaa Yidhi: Waxaas Oo Dhammi Waa Sax , Laakiin *Ardayad Ayaa Tidhi Hadana : In Bulshadu Cadaalad Wada Hesho . * Macalinkii Ayaa Yidhi: Waa Taas Jawaabta Saxa Ahi. Waa Taas . *Macalinkii Ayaa Waydiiyay Ardaydii Hadana ; Waa Maxay Faa’iidada Laga Heleyaa Cadaaladda? *Arday Ayaa Ku Jawaabay : In Qof Kastaa Xuquuqdiisa Helo , Oo Aan La Dulmiyin . Macalinkii Hadaba Iminka Ayaan Idiin Jawaabayaa , Aniga Oo Aan Werwer Ka Qabin , In Aad Wada Fahanteen Dersigii Maanta . *Markaasaa Macalinkii Waydiiyay Ardaydii: Hadaba Miyaan Dulmiyay Ardaygii Saaxiibkiin Ahaa Markii Aan Eryey Ee Aan (Safka) Ka Eryay? *Waxay Ku Wada Hawaabeen Mar Qudha : *Haa . Markaasaa Macalinkii Oo Cadhaysani Ku Yidhi: * Maxaad U Wada Aamusteen Kuligiin , Ee Aad Wax U Odhan Waydeen ,? Ee Wax U Samayn Waydeen Markii Aan Dulmiga Ku Sameynaayay Saaxiibkiin? Muxuu Sharcigu Tarayaa , Hadii Aynaan Fulin Karayn , Oo Aynaan Ku Dhacayn In Aynu Fulino, Hadii Aad Ka Aamustaan. Marka Qof Dulmi Ku Dhacaayo , Ee Dulmi Lagula Kacaayo, Ee Aad Difaaci Kari Waydaan ? Waxaad Waayaysaan Dadnimadiinii , Dadnimadu Iyo Xaqqu Gorgortan Iyo Wada Hadal Ma Galaan . Kadibna Macalinkii Inta Uu Ardaygii Uu Eryay U Yeedhay , Ayuu Raali Geliyay Ardaydii Oo Dhan Hortoodii . Oo Ku Yidh , * Waa Kaa Deriskiinii Maanta , Oo Waa Inaad Bulshadiina Iyo Dadkiina Aad Wada Ilaalisaan Oo Sharciga Fulisaan , Oo Aydaan Dulmiga Ogolaan . Hadaba Sharcigu Faa’iido Ma Laha , Hadii aan La Fulin , Oo Dulmiga Dadku Diidin , Iyo Sharci Jebinta . Sharcigu Waa In Uu Fulaa , Oo Cadaaladu Iyo Sharcigu Cid Kasta Ka Sareysaa , Oo uu Qabtaa . M.Biixi Iyo Xukuumadiisu Waa In Ay Sharciga Fulisaa , Hadii Kalena , Waa Inay Bulshadu Iska Qabataa , Oo Aanay u aamusin. Xuquuqdaada Waa Loo Halgamaa . Dulmiga Inaad Ogolaato. Ama Ka Aamusto (Maaha). Hadii Kale Oo Aan Sharciga La Fulin, Faa’iido Uguma Jirto Bulshada , Sharcina Maaha . Cali Biixi Qaran News Share this post Link to post Share on other sites