Sign in to follow this  
Deeq A.

Kongareeska Mareykanka oo diiday lacag $17.6 ah Billion oo lagu taageerayo Millatari Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Wakiilada ee Baarlamaanka Mareykanka ayaa diiday qorshe uu soo diyaariyey xisbiga Jamhuuriga oo doonaya in lacag gaadheysa $17.6 bilyan oo dollar oo dheeraad ah loogu deeqo Israa’iil.

Codbixinta xildhibaanada ayaa ahayd 250 diidayiyo 180 taageertay, iyadoo 166 Dimuqraadi ah iyo 14 Jamhuuriga ka tirsan ay ka soo horjeesteen qorshahan lagu taageerayey Israa’iil.

Xisbiga Jamhuuriga ayaa hore u hor-istaagay ansixinta miisaaniyada xukuumada Joe Biden soo diyaarisay oo ay ku jirtay in $14 bilyan lagu taageero Israa’iil, halka sidoo kale Ukraine loogu deeqi lahaa $60 bilyan oo dollar.

Xildhibaanada Jamhuuriga ayaa kasoo horjeeda in dalka Ukraine wax deeq ah lasiiyo, balse taageersan in Israa’iil lacagta lasiiyo, iyagoo soo diyaariyey qorshahan si gaar ah loogu ansixin lahaa Israel deeqdaas dhaqaale, hase yeesheen qorshahan ayaa fashilay kadib markii codeynta ay waayeen taageerada aqlabiyada Golaha Wakiilada (Kongareeska).

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this