Deeq A. Posted February 7, 2024 Wasiirka Biyaha oo l Kulmay Masuuliyiin ka tirsan GIZ Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta kheyraadka Biyaha Dr. Sulayman Yusuf Cali Koore ayaa xafiiskiisa kula kulmay Madax ka socota Hay’adda GIZ, oo uu hogaaminayay DR Mustafe Adeel oo ka mid madaxda mashruuca support of agricultural products and quality assurance (SPQA). Intii kulanku socday waxa ay labada dhinac ka Wada hadleen halka uu marayo mashruuca SPQA oo ka shaqeeya sidii kor loogu qaadi lahaa wax soosaarka beeralayda gobolka Daad-madheedh iyadoo laga hirgalinayo Dhaam-biyoodyo Deegamada beeralayda ah gobolkaasi . Gabagabdii Kulankaasi ayaa waxa ay labada dhinac isla qaateen sidii looga wada shaqayn lahaa fulinta iyo hirgelinta Mashaariic kale oo la xidhiidha biyaha deeganada oomanaha ah ee u nugul abaaraha soo noqnoqda. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites