Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Ilhaanay waa runtaa oo Soomaali ma nihin!.

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Ilhaanay waa runtaa oo Soomaali ma nihin!.

Waxa ay ahayd dhawaan markii ay Xabashida damacu ka galay qoori xeebeedka taariikhida Aadamuhu ku duugan yahay ee Galbeedka waqooyi ee jamhuurada barakaysan, halkaas oo Kornayl Muuse Biixi oo ay bahdil kasoo gaadhay gobolada bariga Jamhuuriyada barakaysan uu damcay Falaadhii wadhida ahayd ee Sool fucda lagaga siiyey, inuu Saylac iyo Lughaya iskaga gilgilo, se hubaal Falaadh ceebeed gilgilasho kuma go’do.

Waxa iyana dhawaan dhawaaq kasoo yeedhay gabadha Xildhibaanada Maraykanka ah ee Ilhaan Cabdilaahi Cumar iyada oo dhaliilsan damaca Xabashida ka galay bada cas ama Gacanka Hooyoleyda, ayey dhaleecayn ay kula dul turunturotay Jamhuuriyada Barakaysan se nasiib wanaag eed ayey rabtay inay kula dul kufto Jamhuuriyada Khayrka qabta se Runtii wax run ah ayey carabaabtay Taasina deelqaaf noqon weydey, waayo waxa ay tidhi ina Cabdilaahi Cumar Jamhuuriyada Barakaysani Soomaali ma aha, run ahaantiina waa Hubaal oo dadka Jamhuuriyada Barakaysani maaha Soomaali!, Se waa Hooyaley iyaga oo ka mid ah 70% Dadka Soomaalida maanta lagu sheego oo ah Hooyoley, waa Ummad soo jireen ah oo leh Taariikh facweyn oo 20,000 haa Labaatan kun oo sanadood cago cagaynaysa Hooyoleydu, waana Ummad madaxdoodii ay ku Xusantahay Kitaabka Quraanka ah ee Hadalkii Alle ah!, se muxuu jaahil ka ogyahay!.

Hadal iyo dhamaan Soomaalinimo wax lagu faano ama faan leh haduu yahay Eray SAN ayaa raaci lahaa! Saa maba jiro eray San oo ku sidkama ereyga Soomaali!, wax dhaqanka ka mid ah oo Soomaali ku suntan tahay iyana ma jirto marka laga reebo Buulkii waabka ahaa ee garab-raratada ama gabraaratada ugaadhsatada ahi ay yagleelan jireen se ay habcasriyeeyeen Hooyaleydu, markaa Xildhibaan Ilhaanay waa runtaa oo dadka Jamhuuriyada Barakaysani Soomaali maaha se waa Hooyaley Taariikh kumanaan iyo kumanaan sano qoran leh ee adigu qarso Soomaali-nimada oo qofna waxba haka siin qooriga Dhulka Hooyana Hooyoley baa leh oo xabashi xaaraan bay ka tahay baa lagaa yidhi ee adna shib nooga dheh!.

Dhulka wacan ee Hooyo

Hooyoley uunbaa leh

Khadar Hooyoley Fartaag

Fartaagmuwaadin@gmail.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this