Sign in to follow this  
RedSea

SL President Promises to transfer power if he loses in the upcoming elections.

Recommended Posts

RedSea   

“Waxaan Ballan-Qaadayaa Hadii la iga Helo Doorashada inaan Subaxaa Kursiga Banneeyo” M. Rayaale"

 

 

Hargeysa (Somalilandpress)-Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaalle Kaahin, ayaa maanta si rasmi ah Xadhiga uga jaray Wershad cusub oo samaynaysa noocyada kala duwan ee Sharaabka, taasoo lagu magacaabay Happy Cola.

 

Munaasibad balaadhan oo loo sameeyay furitaanka Wershadan oo ku taala Tuulada Aw Barkhadle oo 30KM Bari ka xigta magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb-galay, Madaxweyne Rayaale, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Mudaneyaal ka tisan Goleyaasha Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiilada) Ganacsato iyo Marti-sharaf kale oo aad u tiro badan.

“Warshaduhu waxay bedelayaan dhaqan ah in dadku wax-wada-yeeshaan oo uu saamiyo ka iibsado warshadaha kala duwan, hantidoodana meelo badan kala-gashado, halkuu meel kaliya ku bixin jiray.

Waxa dhici jirtay in qofku inta uu meel kaliya lacagtiisa galiyo hadana uu markaaba khasaaro, tani (Habka Saamiyada badan ee Wershadaha) waxay horseedaysaa inuu qofku mustaqbalka fog ku talo-galo oo uu ku xisaabtamo in shaqadiisu waligeedba noqoto mid sii socota.” Sidaa waxa yidhi Madaxweyne Rayaale oo hadal uu ka jeediyay Munaasibadii furitaanka wershadan ku dhiiri-geliyay ganacsatada hirgelisay.

Mar uu Madaxweynuhu soo qaaday oo ka hadlay arrinta doorashada Madaxtooyada ee sida wayn looga hadal hayo wadanka gudihiisa iyo dibadiisa ayaa waxa uu ku celiyay inay xukuumad ahaan ka go’an tahay inay doorashadu ku qabsoonto wakhtigii loo qoon-deeyay, isaga oo goobtaas ku balan-qaaday inuu xilka si nabadgelyo ku jirto ku wareejin doono hadiiba lagaga guulaysto tartanka doorashada Madaxtooyada. Waxaana uu yidhi: “Doorashadu way dhacaysaa oo weliba si nabadgelyo ayaan rajaynayaa inay inoogu dhacdo, weliba anigu waxaan ballanqaadayaa in haddii la iga helo subaxaa aan kursiga banneeyo,”

Dhinaca kale, Wershadan oo ay hirgeliyeen Muwaadiniin reer Somaliland ah, waxa ku baxay Qadar Lacageed oo dhan 8 Milyan oo Dollar.

 

Source: Somalilandpress

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this