Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Waaka daba hari layahay

Recommended Posts

It seems the stooges meeshee tagaanba qaraxyadana waa daba socdaan. Qaraxii labaad waaye in as many days.

 

Qaraxyo xoogan oo caawa fiidkii ka dhacay magaalada Baydhabo

 

Qaraxyo xoogan ayaa caawa fiidkii ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay xilli ay ku sugan yihiin madaxda sar sare ee dowladda KMG oo khilaaf xoogan uu hareeyay.

 

Qaraxyadaan oo loo adeegsaday Bam gacmeedyo ayaa lala beegsaday Hotel Farjanaay oo ay dagan yihiin mudanayaal ka tirsan Baarlamanka Somalia sida ay ku warameen goobjoogayaal ku sugan magaalada Baydhabo.

 

Qaraxyada ka dib ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah ee Somalia ayaa isku gadaamay halkaasi, lamana oga wali wax qasaaro ah oo ka dhashay.

 

Qaraxyadaan oo si weyn looga maqlay magaalada Baydhabo ayaa waxa ay saameyn ku yeesheen dhamaan howlihii ganacsi ee ka jirey halkaasi oo gabi ahaanba istaagay.

 

Lama oga wali kooxaha ka dambeeyay weeraradaan bambaano oo lagu qaaday Hotelkaasi.

 

Dhowaan ayay aheyd markii qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa lala eegtay fariisin ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin warshad ku taala magaalada Baydhabo.

 

Arimahaan ayaa waxa ay ku soo beegmayaan xilli khilaaf xoogan uu ka dhex jiro madaxda dowladda KMG ah ee Soomaaliya, khilaafkaasi oo ku baahay golayaasha dowladda KMG ah.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this