Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Oo marki shanaad Sucuudiga U Tagay dagaalka ka socda Gaza

Recommended Posts

Deeq A.   

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa Isniinti shalay aheyd magaalada Riyadh kula kulmay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiha Maxamed Bin Salman, kulankaas oo billow u ah booqashadi shanaad oo uu Blinken ku tagay Bariga Dhexe tan iyo inti uu billaamay dagaalka ka socda Gaza.

Bilinken ayaa u tagay Bariga Dhexe sidi uu u riixi lahaa heshiis uu wax ka dhex-dhexaadinayo Mareykanka oo la rabo in lakala dhex dhigo Israa’iil iyo Xamaas, qorshaha dib u dhiska Gaza kagaalka kaddib iyo in la qaboojiyo xiisadda gobolka.

Kulanka Blinken iyo Maxamed Bin Salman ayaa qaatay muddo laba saacadood ah. Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Matthew Miller ayaa sheegay, in Blinken iyo Dhaxalsugaha ay ka wada hadleen iskaashi uu gobolka ka galo guul waarta oo laga gaaro qalalaasaha.

Wuxuu kaloo sheegay, in Blinken uu hoosta ka xarriiqay ahmiyadda ay leedahay baahiyaha bani’aadannimo ee ka jira Gaza iyo in laga hortago in colaadda ay kusii baahdo gobolka.

Dhanka Gaza, Xamaas ayaa billowday in ay dib uga soo muuqato qeybo ka mid ah deegaannada ay Isra’iil burburisay ee Waqooyiga Gaza, kaddib marki ay ciidamada Israa’iil ka baxeen, arrintaas oo ay ku dirayaan farriin ah in ay wali dagaallamayaan.

Muuqaal laga soo duubay aaggaasi ayaa muujiyay burbur baaxad leh oo tusinaya in ku dhawaad guri kasta la burburiyay.

Wasiirka Difaaca Israa’iil Yoav Gallant ayaa sheegay in ciidankiisu ay sii wada doonaan dagaalka ay ka wadaan Waqooyiga Gaza bilo badan isla markaana ay sidoo kale dagaalka kusii akeyn doonaan xagga koofurta ilaa ay mandiqadda oo dhan ka qabsanayaan.

Dagaalka iyo duqeynta ay Israa’iil ka waddo Gaza ayaa tan iyo October lagu dilay in ka badan 28,000 oo u badan dumar iyo carruur, sida ay sheegeen ilaha caafimaadka iyo warbaahinta.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this